Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Some garaads go back to garowe some stay in buuro wadal.

Recommended Posts

Shirkii Isimada Ee Holhol/Buuro Wadal Oo Gabagaboobay- Iyo Go'aamdii Oo Lagu Dhawaaqayo Sabtida-

Lasanod Online. Thursday, February 04, 2010

 

 

 

 

 

 

 

 

Buuro Wadal,(Lasanod Online)- Waxaa galabta lagu qabtay degmada Buuro Wadal,xalfad balaadhan oo isugu jirtay duco iyo xamdinaq, xafladan oo ay kasoo gaybgaleen shacab,Culimo iyo isimada SSC.

 

 

Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay, waxaa abaabulkiisa lahaa gabdhaha SSC ee UK. Gudahana waxaa ka shaqaynayey oo hawsha fuliyey gabdhaha u dhashay deegaanka SSC.

 

Qado sharaftii kadib waxaa goobtaas ka dhacday duco iyo ilaah bari ay Isimada iyo culimadu iskaga danbeeyeen.

 

Shirkii Isimada ayaa hadda gaadhay meel gabogabo ah, iyadoo laysku raacay go'aano lagu dhawaaqi doono maalinta Sabtida. Go'aamadan aya la sheegay in hadda lagusoo garaacayo magaalada Garoowe si berri loogu qaybsho saxaafadda iyo shacabka.

 

Isimada SSC oo muddo ku jiray shir ay jilibada u aasteen oo in badana geedka u jiifeen, Maanta isku racay in maalinta Jimcaha ay fasax iyo nasasho qaataan, waxayna badankoodu u ambabaxeen dhinaca Magaalada Garoowe.

 

Wararku waxay sheegayaan in madasha shirka ku hadheen oo weli joogaan Garaad Jaamac Garaad Ismaciil, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas Cabdillahi.

 

Shirkan Isimada ayaa ahaa mid aad loo adkeeyey inaan waxba dibeda uga bixin, sidaa awgeedna aad loo wada sugayo go'aamada lasoo saari doono maalinta Sabtida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxayna badankoodu u ambabaxeen dhinaca Magaalada Garoowe.

It seems the biggest winners of saturday's outcome will be P/land since most Garaads are sunbathing in Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararku waxay sheegayaan in madasha shirka ku hadheen oo weli joogaan Garaad Jaamac Garaad Ismaciil, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas Cabdillahi.

Garaad jamac garaad cali is the supreme leader. And garaad jamac garaad ismacil is the garaad of the lascanood people. He stayed most of his time in laascanood he was the only garaad that’s stayed under somalilands rule

I wonder why they stayed in buuro wadal and not went with the group 2 garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Buuro-wadal lagaga tegay.

Warkii 05-Feb-2010 iyo Qormadii: NEWS

Wararka aan ka helayno tuulada Buuro-wadal ee gobolka SOOL,oo qiyaastii 25km u jirta magaalada Garoowe,oo ay ku shirsanaayeen odayo-dhaqameedka deegaankaasi qaarkood ayaa waxa aan ilaa iyo maanta la gaadhin wax go'aamo ah oo mudo dheer la suagayey,iyadoo horay loo shaaciyey in ugu danabyn maanta oo jimce ah la soo saari doono go'aamo,balse arintaasi aanay dhicin.

 

Badanaa odayo-dhaqameedkii horey u deganaan jirey Garoowe oo bankoodu guryo qurxoon halkaas ka deganaa,ayaa guryahoodii ku noqday oo ay beryaheen tabeen,kadib markii la seexday guryo mutulo ah,iyadoo weliba gogoshuna ahayd mid dhulka uu ka xigay sali ama dermo fidsan,cabsi badanina ay jirtey oo aaminaada maamulada dhinacyada ka xigaa ay meesha ka baxday.

Shalay ayaa waxa lagu casuumay culimada ku sugan Laascaanood inay ka soo qayb galaan ala-bari halkaas geel badan dhegta dhiiga loo daray,balse nasiib daro culimadii Laascaanood ay ka cudur daarteen inay halkaas gaadhaan,balse waxaa si weyn booskoodii u buuxiyey culimo xadraynaysa oo loo yaqaano culimada xerta timo-weynta oo aad u xiiseeya ala-bariyada,halkaasna ka tiriyey qasiidooyin xidhiidha,ducooyin badan,oo qaarkood madiimado waaweyn oo biyo ku jiraan,oo ducadii lagu tufay halkaas laga qaatay.

Waxaa ilaa iyo hada madashii ku sugan Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo iyagu aan guryo ku lahayn magaalada Garoowe,oo midna ka yimid dhinaca Saaxdheer,meesha ka kalena ka yimid Laascaanood,mana cada meesha ay uga safri doonaan Buuro-wadal.Ma cada in iyagana guryo laga siin doono Garoowe iyo inay ku noqon doonaan guryahoodii,iyadoo ay adkaan doonto inay Laascaanood ku noqdaan,haday soo saaraan go'aamo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Dhanka kale waxaa Garaadadii kala safreen iyagoon go'aamo soo saarin,waxaana la filayaa in garaadada ku sugan Garoowe,markay wadatsahi la yeeshaan maamulka Puntland,inay si wadajir ah u soo saaraan go'aadaas,oo weliba ay madashaas goob joog ka ahaadaan madaxda maamulka Puntland.

Sida aan la wada socono waxaa shirkaas intii uu socday soo gaadhay isimo ka yimid magaalada garoowe,masuuliyiin ka tirsan maamulkaas,waxaana go'aamadii dib loogula noqday magaalada garoowe,taasoo shaki weyn ku abuurtay umada,iyadoo shirkaas markii hore lagu sheegay inuu yahay shir u khaas ah garaadada oo keliya.

Waraka oo faahfaahsan ha ka fogaan afnugaal.com

 

 

Afnugaal News Desk.

 

 

Contact:xassand2000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this