Sign in to follow this  
General Duke

A/Qaybdeed meets with Puntland leaders

Recommended Posts

TBFS.Cabdi Qeybdiid oo gaaray Garowe kulana la yeeshay Madaxda Puntland

Last Updated::2007-06-22 18:13:49

 

cadde_afqurac_qeybdiid.jpg

 

Garowe:- Gen.Cabdi Qeybdiid Taliyaha Booliiska Somaaliya oo hada safar ku jooga Puntland ayaa magaalada Garowe kulamo kula yeeshay Madaxda sare ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay wafdi uu horkacayo Gen.Cabdi Qeybdiid Taliyaha Booliiska Federaalka iyo Taliye kuxigeenka Booliiska Soomaaliya Gen.Axmed Taajir Cabdi Xaashi, Gen.Bashiir Maxamed Jaamac iyo Saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha oo uu kuweheliyey Kulankaas Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale goob Joog ka ahaa Taliye Kuxigeenada Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha Kuliyadda Tababarka Booliska Qaranka Soomaliyeed ee Carmo iyo Masuuliyiin kale.

 

 

Gen.Cabdi Qeybdiid ayaa Madaxda sare ee Puntland uga warbixiyey safarka uu hada ku joogo gobalada Puntland iyo waliba tababarka laga furay akademiyada Booliiska ee Carmo halkaasi oo ay hada ku xeroodeen racii Sadexaad ee Ciidamada Booliiska Federaalka iyo kuwa Puntland.

 

Taliyaha Booliiska Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay Dowlad Gobaleedka Puntland taageerada ay siiso Xukuumada Federaalka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in si weyn la isaga kaashado sare u qaadida tayada ciidamada Booliiska ee gobalada Puntland iyo kuwa kale ee Federaalkaba.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOL. The small group are celebrating while they can not see the old man is still not even looking over at their silly activities. When Yey makes his move no doubt you will be the firts to demonstarte like your old JVA masters are doing now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this