Sign in to follow this  
MoonLight1

Seven Somali migrants shot dead.

Recommended Posts

Askarta Sacuudiga oo 7 muhaajiriin Soomaali ah ku dilay xuduuda Yemen iyo Sacuudiga.

 

Warar ka imaanaya dalkaasi Sacuudiga ayaa tibaaxaya in ay geeriyoodeen 7 ruux oo Muhaajiriin Soomali kuwasoo ku sii jeeday dalka Sacuudiga, waxaana toogtay askar xuduuda ilaalisa ee dalkaasi boqortooyada sacuudiga xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduuda oo ay gudaha u galaan dalkaasi.

 

Dhacadadan ayaa dhacday ka dib markii askarta sacuudigu ay ku amreen muhaajiriintaasi inay istaagaan ka dib markii la qabtay, lakiinse muhaajirinta ayaa isku dayay inay orod ku baxsadaan, waxaan markaasi rasaas ooda kaga qaaday askarta sacuudiyaanka ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in soomalida muhaajiriinta aya tiro ahaan ay ka badnaayeen 7 isla markaana qaarkodii baxsaday ay dib ugu laabteen dalka yemen oo markii hore ay ka soo kicitimeen.

 

Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli xuduuda Yemen iyo Sacuudiga uu ka jiro dhaq dhaqaaq meleteri oo xoogan ka dib dagaalkii dhex maray qolyaha mucaarad xuutiyiinta ee Yemen iyo xukuumada Yemen dagaalkaasoo ka dhacay agagar xuduuda sacuudiga.

 

Lakiinse Soomalida muhaajiriinta ah ayaanan ogeyn xaalada halkaasi ka taagan iyado weli dhagahooda ay ka sii guuxayaa madaafiicda iyo dilala joogtada ah ee ay ka soo carareen iyagoona doonaya inay gaaran meel ay ku nabad galaan isla markaana ay ku helaan nolol fiican.

 

Ilaa iyo haatan dowlada sacuudigu kama hadal dhacdadan iyo sida ay arkaan madaama askartu ay si bareer ah dad rayid ahi ay rasaas ugu fureen iyagoo adeegsan karay siyaabo kale oo dadkaasi ku qabtaan ama uga joojiyaan inay xuduuda gudbaan.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro shaki xoog leh oo laga qabo soomalida iyadoo Todobaadkan gudahiisa lagu qabtay xuduuda Soomali hub u sida qolyaha shiicada ah ee ku kacsan dowlada Yemen sacuudiguna uu dagaal dhex maray.

 

 

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this