Sign in to follow this  
Che -Guevara

War deg deg ah: Qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay qaraxyo waa weyn ka dhaceen gudaha Magaalada Boosaaso ,gaar ahaan goob aan waxba ka fogeyn dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso.

 

Warka ayaa sheegaya in ay qaraxyadaasi ahaayeen Labo qarax waxa ayna sababeen Dhimasho iyo dhawaac lixaad leh ,waxa ayna sheegayaan Warar hordhac ah in Cusbitaalka Magaalada la geeyey dad kala duwan ooqaba dhawaacyo Soo kala gaaray.

 

Qaraxyadan ayaa ahaa kuwa siweyn looga dareemay magaalada Boosaaso ,waxa ayna cabsi ku beereen dhamaanba dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso oo hada aan waxba sheegi karin.

 

Ciidamada amaanka dowlada Puntland ayaa bilaabay baaritaano ay wadaan oo ay ka wadaan goobihii ay ka dhacday Qaraxyadan ayagoo sidoo kale xirey dhamaanba wadooyinka soo gala Xarumaha dowlada Puntland waxa ayna Ilaalo xoog leh ka hayaan Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso.

 

Maamulka gobalka ,Kan degmada iyo Madaxda Puntland ee jooga Boosaaaso ayaa ka gaabsanaya in ay ka hadlaan arimahan qaraxyadan waxa ayna Telfoonadoodu yihiin kuwa ah BUSY ama Mashquul.

 

Faahfaahinta kala soco AllPuntland.com

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this