Sign in to follow this  
Xudeedi

Xisbul Islam confiscates GBC TV and Radio in Mogadishu

Recommended Posts

Xudeedi   

Muqdisho: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta sheegay inay si rasmi ah ula wareeegeen Idaacadda iyo Telefishinka GBC

 

Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah uu ururkiisu ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ahaa kuwa madaxabannaan ee ka howlgala Muqdisho.

 

 

"Maanta wixii ka dambeeya idaacadda iyo telefishinka GBC, waxay ku hadli doonaan afka ururka Xisbul Islaam, waxaana uga mahadcelinaynaa maamulkii hore wareejinta ay nagu wareejiyeen," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo xiligaas uu garab-taagnaa milkiilihii GBC Yuusuf Axmed Geelle.

 

 

Ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo xalay ilaalo ka hayay xarunta idaacaddan oo ku taalla degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta duhurkii lagu dhawaaqay inay Xisbul Islaam la wareegeen.

 

 

"Waxaan ku wareejinnay idaacadda iyo telefishinka maamulka ururka Xisbul Islaam, iyadoo aanay jirin wax khasab ah, waxaana ugu baaqaynaa maamulka inay ugu shaqeeyaan shacabka si wanaagsan," ayuu yiri Geelle oo shirka jaraa'id ka hadlay.

 

 

Idaacaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Xisbul Islaam ay la wareegaan, iyadoo mas'uuliyiintooda ay sheegeen inay isbadal ku sameyn doonaan qaabka ay ku shaqeyso, ayna badali doonaan erayada ay adeegsato.

 

 

Maamulka idaacaddii iyo telefishinkii Hornafrik ayaa sheegay in dhammaan qalabkii idaacadda la qaatay, waxaana idaacaddaas habeen hore gudaha u galay ciidammo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaab.

 

 

Maxamed Ciise Maxamuud_Dhahar Online

 

 

Mociise@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this