Sign in to follow this  
Laba-X

SOL Cafe...

Recommended Posts

Laba-X   

Amidst the clutter of the cutlery behind the counter, the whistle of the coffee machine and the hubbub of discordant sounds that dinned the environment, the SoLers sat unperturbed in the far corner, sipping their beverages. It is the café, they usually frequented after their days have dimmed. Flipping through the Kasmo Newspaper, Kashafa began…

 

 

Kashafa:

Rag baa tegey dorraad galab [from Europe to Mogadishu]

 

Xiin:

Rag baa weli ka diimmoon

 

Baashi: [wiping his spectacles]

Rag baan dayrtan iman karin

 

Isseh:

Somaliya gumeystihii jartaa degay

Dibaddana ka joogsadey

Da.badhi.lif adeegsaday

Darxumadiyo hooga

Wuu ku diirsanayaa

 

Laba-X:

Soomaaliyey wax kuu daran

Iyo wax dantaada ah

Haysku darine kala daa

Qalbigaaga daahiri

Damiirkiinna weheshada

Dawga toosan wada mara

Dawankana isku afgaro

 

Baashi:

Doodaydu waxey tahay

Dacar iyo dhunkaal baa

Dacar qaar u keenee

seeftaada danantiyo

dumbuqaaga qaadoo

dagaal cudurku yuu gelin

 

Emperor:

Waxaa lagu durqumayaa

dibbir iyo nin naaxiyo

inta qaranku deyn iyo

dembi uu ku leeyahay

adinkuuna dulqaatoo

docdayda aan qeexee

Dooddaydu waa Qaran

 

 

Kashafa:

Alshabaab waakan daacad ah

Dalka iyo dadkiisaba

Labadaba u daahir ah

Bulshada xumaha uga diga

Daw san u horsed taga

Dufan lays marmariyiyo

Lacagi aaney daadihin

Weheshada dadkii hore (rasuulki iyo asxaabti)

Dariiqey banneeyeen (Jihad)

Yaan dib looga soo noqon

 

Xiin:

Difaaceeda qarannimo

Aan u qaato duubkoo

Darmaan Xiinfiniin dhalay

Aan u fuulo dooyaada

Boogaha na daashaday

Danyartoo midowdiyo

Ficil baa u dawo ah

 

Laba-X:

Waxa iga dardaaran ah

Dani waa halkeedee

Daq kastoo laduugaa

Waa kii dillaacee

Dareenkeenu waa meel

Hadaad diir naxaysaan

Dagaalkii la galay iyo

Dalkii aan xorayniyo

Gobanimo-u-dirirkiyo

Dakanada Amxaarada

Dadka maad u sheegtaan?

 

 

The corpulent General Duke who sat befuddled beside Baashi pushes his chair and stamps the floor in anger.

 

Isseh:

Ninka duday habeenimo

Gafuurkaa ku daaliye

Dad muxuu ka dhimayaa

 

Laba-X:

Dood waliba baanteed

 

Baashi:

Duq waliba garaadkii

 

Xiin:

Nin dan lihi ujeedadii

 

Kashafa:

Dab waliba kulaykii [naarta]

 

Isseh:

Nin dudiyo gafuurkii [to General]

 

Laba-X:

Maad ka deysid boogaha

Haka qaadin diirkee [to Isseh]

 

Kashafa:

Maxaad carrabka dalabta leh

Ugu dedi subeeciyad? [to Baashi]

 

Baashi:

Maxaad isugu daahirin

Dad waa ku wada yaqaane [to kashafa]

 

…To be continued

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this