Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo tababar u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Sare ee oo Tababar u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Deegaanka

IMG-20230820-WA0003-300x130.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Axadda maanta tababar u soo xidhay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa.

Guddoomiyaha waxa xidhitaanka tababarka ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Maxamuud Yuusuf Muuse, Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado iyo Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah NRCN Opyene Vincent.

Xeer-ilaaliye Faysa Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka warbixisay duruustii muddadii 8-da cisho ahayd ay ku qaateen tababarka iyo ujeedada guud ee ay xambaarsanaayeen.

Geesta kale Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah (NRCN) Opyene Vincent ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadii koobnayd ee tababarku socday lagu lafa-guray halka ay ka soo bilaabanto baadhida dacwadaha duur-joogta, nidaamka dacwadaha loogu oogayo iyo ilaa heerka maxkamadaynta.
Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado ayaa xusay in Jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanku ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga la xidhiidha ilaalinta deegaanka ee ay la leeyihiin Somaliland.

Maamulaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa ku booriyay xubnihii tababarka ka faa’iidaystay, in ay aqoonta usii gudbiyaan hay’adihii ay ka kala yimaadeen isla markaana ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah.

Dhanka kale Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa tibaaxday in ay farxad weyn u tahay in dalka gudihiisa tiro intaa le’egi ku qaadato tababarradii loo tagi jiray Yugaandha iyo Itoobiya, wasiiradda ayaa xustay in tababarkani u dhigmo kooras muddo lagu qaato Jaamacadaha.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa u hoga-tusaaleeyay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay, in deegaanku ka sal-balaadhan yahay dhirta iyo xayawaanka, balse uu sal u yahay jiritaanka nolosha Aadamaha.

Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in aanay nolosha iyo deegaanku kala maarmin isla markaana ay muhiim tahay in dadkeenu sidaa ugu baraarugaan.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay awalba dacwadaha deegaanka iyo duur-joogta la xidhiidha ugu dedaali jireen haatanna ay sii horumariyaan, oo ay u diyaarinayaan qayb (Chamber) takhasus u leh oo dacwadahaasi qaadda.

Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay in aanay dhayalsan aqoonta qiimaha badan ee ay tababarka ku qaateen, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u sii gudbin lahaayeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this