Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin Ka Tirsan Al-shabaab oo Iska Dhiibay Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdi Cabdillaahi oo ahaa xubin ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Gobolka Galgaduud, gaar ahaa Magaalada Baxdo, isaga oo la oo dhoweeyay, xilli uu ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka.

Waxaa uu ku sheegay wareysi lala yeeshay inuu ahaa Dhagar u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka gaar ahaan daawaynta dhaawacyada soo gaara madaxda sare ee sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu ka tirsanaa muddo lix sano ah Al-shabaab.

Bariga gobolka Galgaduud oo dowladdu ay ku qaaday guluf colaadeed ayaa maalmahaan waxaa kusoo badanayay xubnaha ka tirsan kooxda ee isku dhiibayay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaannada Galmudug oo laga bilaabayo howlgal.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this