Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali Police force report NEW [PICS]

Recommended Posts

boliskamanta.jpg

 

Maxaad kala socotaa ciidamada boliska Somaliyed 17-sano kadib

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Janaayo-08

 

Mudo ku dhawaad 18-sano kadib ayaa waxa uu u muuqda iminka Booliskii Somaliyeed ee lagu yaqaanay budka in uu soo noolaaday, islamarkaana uu si caadi ah uga shaqeynayo guud ahaan dalka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Wariye ka tirsan shabakadda wararka ee Calanka oo mudo isbuucyo ah dabagal ku hayay waxqabadka boslika Somaliyeed ayaa ku fasiray waxqabadka bolisku mid aad looga dareemayo magaalada mudooyinkan danbe.

 

Boliskan la unkay sideed iyo tobanka sano ka dib iminkana sanad jirsaday ayaa sida uu wariyuhu inoo sheegay la moodaa mid shaqeynayay waligii oo aan u ekeyn bolis la unkay sanad ka hor oo howl bilaabay.

 

Ciidamada boliska ayaa ku sugan dhamaan saldhigyadii lagu yaqiinay ee gobolka Banaadir inkastoo fariisimo dheeraad ah looga sameeyay mudooyinkan danbe goobo kale oo amaankoodu u baahan in la sugo.

 

Boliska maanta ayaa adeegsado aalado iyo qalab ka duwan kuwii ey adeegsan jireen boliskii hore, waxaana xafiistada boliska yaala computero lagu diiwaan galiyo dadka danbiilayaasha iyo dadka kaleba halka waagii hore lagu qori jiray feylal iyo waraaqo ragister ah.

 

Boliska ayaa iyagoo gaadiid ku buufsan "Bolis" wata ku gaafwareega magaalada caasimadda ee Muqdisho, waxaana marka aad aragto durbo kugu soo dhacaya sida ey ahaan jirtay 17-sano ka hor, waliba ka casrisan.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this