Sign in to follow this  
General Duke

President Cade Muse opens new offices....PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Dhismo cusub oo Dekkada Bosaaso laga dhisay Updated::2007-03-20 23:07:10

Boosaaso:- Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo ay

dhisteen wasaaradaha Maaliyada, Dekedaha iyo Kalluumaysiga iyo Qasnadda Bangiga.

Xarig ka jarridan ayaa waxa loo sameeyey Xaflad si weyn loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta ugu sarraysa puntland iyo dadweyne aad u fara badan.

Xafladdan xarig ka jarida ayaa ugu horraynba waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyey Eng Cabbaas oo sheegay in dhismahani uu yahay mid anfici doona bulshada reer puntland waxtar badana u leh, mudane madaxweyne markii aan bilaabay dhismaha oo aan arkay faa;iidada uu leeyaha aniga ayaa ka mas’uul ahaan ku daray kharajka qaar oo ay wasaaraduhu u qoondeeyeen 150kun oo doolar hadana ay ku kacday 192kun oo doollar waayo in badan ayaan waxaan maqli jiray waxba lama qabto ee waxaa layska cuna hantida dadweynaha waxaa ii muuqatay in aanay waxba ka jirin,ee mar kasta ay mas;uuliyiinta puntland ku hamiyayaan horumar in la qabto.

Intaasi ka dib ayaa waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Maaliyada Dr Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)wuxuuna yidhi dhismahan aad aragtaan waxa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyada, Kalluumaysiga iyo Bangiga,waxaana ku dhisnay adeegyadii wasaaradahaas,ma ahan mashruucan oo keliya inta aanu fulinay ka wasaarad ahaan waxaa jira Ceelal badan oo aanu qodnay cidina aanay naga caawin,waxaa jira dad had iyo jeer dhaha ama internetka ku qora wax baa la cunay akoono ayaa la samaystay.waxaan idiin sheegaynaa in aanay waxaasi waxba ka jirin, ee aanu ku howlanaha sidii aanu mashaariic kale u fulin lahayn.

Intaasi ka dib ayaa waxa uu wasiirku ku soo dhoweeyey Madaxweynaha puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi,waxaan aad ugu faraxsnahay dhismahan cajiibka ah ee ay yeesheen wasaaradahani,waxaan idiin sheegayaa in aan ka fikirayno sidaanu wax badan u qaban lahayn, lixdii biloodba waxaan fulin doonaa hal mashruuc haddii ilaahay idmo,meeshan iyadoo bannaan ayaa ku taliyey in dhisme laga dhiso alaxamdulilaah waa ay hirgashay, waxaan shacabka reer puntland ka codsnayaa in ay cashuurta bixiyaa si ummadda wax loogu qabto,had iyo jeer waxaa la dhahaa wax baa la cunay ,haddaanu wax cunay wax yar ayaan cunay inta kale wax baan ku qabanaa,intaasi ka dib ayaa waxa uu madaxweynuhu kormeer ku soo mar ama soo eegay gudaha dhismaha cusub.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this