Sign in to follow this  
Suldaanka

Did he really say this? LOOOOOL

Recommended Posts

Waxaan Soo Galay Dagaalo Badan sida Kii Waqooyi Galbeed, Muqdisho, Jubooyinka Dhamaantoodna waa la igu Jebiyey Waxaan is ogaadey in aanan ahayn nin leh Karti dagaal waxaan maanta leeyahay walaalayaal

Yusuf Indha Cadde wuxu ku dhuftay xoog weynaaye. :D

 

---------

Dagaalo Badan Ayaan Galay Sida Kii Waqooyiga Waana La igu Jebiyey Sidaa waxaa yidhi Morgan

 

Xaflado Lagu Magcaabey Maalinta Nabada aduunka ayaa ka dhacay Meelo Badan oo Ka tirsan Muqdisho & Jawhar kuwaas oo siyaasadeysnaa laguna Abuurayey Kooxaysi ayaa lagu magcaabey Maalinta Nabada Adunka .

 

Xafladahan oo ay soo qabanqaabiyeen Qabqablayasha Dagaal ee Ku kala Sugan Jowhar iyo Muqdisho ayaa u muuqday kuwo la isugu gudbinayey Fariimo Hanjabada halka hadana ay ku magcownayd xafladu Malinta Nabada Aduunka .

 

Waxa aad moodaa in ayaamahan Laga xoogroonadey Kooxda Jowhar Ka dib markii Muqdisho ay isugu Yimadeen Raga Koonfurta Somaliya inteeda Badan Gacanta Ku Haya Sida Muqdisho, Kismanyo;Baydhabo & Marka. Halka qolada Jowhar ay Ku egyihiin keliya Degmada Jowhar ,waxaa markhaati ka ah in kooxdaas laga xoogroonadey Hadalkii Shalayto Col.C/lahi Yusuf ee ahaa hada ka bacdi waxan Raadinayaa nabad Cid kastana waan u hor fadhiisanayaa aniga oo aan u arkin Nacasnimo ee u arka Sharaf .

 

Hadaba Kulamadaasi Mid ka mida ah oo Ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa Gacanta la isu saarey Gen.Morgen & Col. Bare Hiiraale oo ahaa ninkii Dhirbaaxadii ugu Danbaysey Ku Dhuftay Gen.Morgan Dabayaaqadii Sanadkii Hore Ka dib Markii Dagaal oge C/lahi Yusuf Ka soo abaabulay Morgan Niarobi isla markaan uu weerar indho la,aan ah ku soo qaadey Magaalada Kismaanyo oo uu Ganata Ku Hayey Col.Bare Hiirale Halkaas oo uu kala Kulmay Dhirbaaxo aad u kulul oo ku danbaysiisey Quus uu ka joogo Siyaasadii maanta .

Arintu Si Kastaba ha ahaatee Markii Morgan Dagaalkaas ku Guuldareystay ayaa Col.C/lahi Yusufna Dibeda u tuurey oo ku yidhi waar iga tag wax ma tare Siyaad Bareba Kugu Khasaarye.

 

Hadaba Gen . Morgan oo maanta ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu soo magan galay ayaan wax xil ah ka hayn Dawlada uu Hogaamiyenimadeeda Sheegto Col.C/laahi Yusuf oo Kaneecadu Ku Cunto Jowhar wuxuuna Moorgan yidhi markuu muqdisho imanyey walaalyaal dagaal wan ka daaley ee maanta nabad ayaan rabaa iyadoo Cabashooyinkaas hore looga maqlay Morgan ayuu Xafladii Shaleyto wuxu ka yidhi sidan.

 

Waxaan Soo Galay Dagaalo Badan sida Kii Waqooyi Galbeed, Muqdisho, Jubooyinka Dhamaantoodna waa la igu Jebiyey Waxaan is ogaadey in aanan ahayn nin leh Karti dagaal waxaan maanta leeyahay walaalayaal nin kasta oo dagal jeceli wuu iska soo dhici ee aan Gacmaha is qabsano waanigaa Gacanta haysta Bare Hiiraale oo ah ninkii igaga Guulaystey Dagaalkii Ugu Danbeeyey ee Kismaanyo Hadaan sidayda oo kale rag badani isu dhiibina Horumar gaadhi mayno ee Dagaalkaas ayeynu ku Jireynaa .

 

 

C/raxmaan Cali Ubaxle

Birmingham UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Walee odaygii inuu waalnaa waan ogaa, laakiin in ay heerkaas gaarsiisan tahay. Taa ma fileyn.

 

What is the source by the way? Mise waad naga qarinaysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Originally posted by Suldaaanka:

A Somaliland website. That is why I asked if other websites reported too.

When did you ask that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this