Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Looga Hadlayay Bilaabashada Bixitaanka Ciidanka ATMIS oo Muqdisho Ka Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaan ka qayb galay wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo dalka u jooga u kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ay ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, iyagoo mas’uuliyadda amniga dalka ku wareejin doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta saraakiisha u timid in ay uu kuur galaan hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.
Wasiir Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyay Ciidamada ka socda Midowga Afrika doorka ay ka qaateen Xasilinta iyo amniga dalka, wuxuu intaas raaciyey in tilaabo wanaagsan la gaaray maanta taas oo ah in Ciidanka Qalabka sida ay ku filan yihiin inay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha ay banaynayaan ciidanka baxaya,qorshaan ayaa socon doono ilaa uu dalka ka baxayo askariga u dambeeya ee ciidanka AMTIS kaas oo bixi doono dhammaadka Bisha December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this