Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Ergayga Qaramada Midoobey iyo Madaxweyne Siciid Deni?

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Goboleedka Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka.
Kulanka ayaa Sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood.
Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this