Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii hotel Pearl Beach

Recommended Posts

Deeq A.   
weerar.jpg?fit=720%2C540&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si faahfaahsan uga hadashay weerarkii ay xalay ku qaaday dhismaha hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay si buuxda la wareegtay dhismaha, isla-markaana ay 10 saacadoo ay ka dagaalameysay hotelka, sidoo kalena ay fashilay illaa 7 weerar oo ay soo qaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Warka soo baxay Al-Shabaab waxaa kale oo ay ku sheegtay in hoteelka ay ku caweynayeen saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda, sababtaasina ay ku beegsatay hotel Pearl Beach.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan illaa 29 qof oo ay sheegtay inay isug jiraan saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheegashadan yaabka leh ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo 3 kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka amniga, halka lixda kalena ay ahaayeen rayid.

Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed.

“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

The post Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii hotel Pearl Beach appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this