Sign in to follow this  
Siciid1986

Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay.....

Recommended Posts

Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Loo Gaystay hargeisa.

 

 

Sanadkii-1983...Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u siisay 14 Dayuuradood oo noocoodo kala ahaa:10 dayaaradood oo ahaa Hunters iyo 4 dayaaradood oo ahaa nooca loo yaqaano Islander. Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday khubaro aqoon u leh dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama Guuleed Abdi (Jama Buluug) oo Xigto hoose yihiin Ahmed Saleebaan Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad Bare iyo inta ka ag dhow ayaa hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray. Mr. Jama-Buluug oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas Naas-nuujin ah ku helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka Dayaaradaha yar-yar ee noocoodu yahay*Seimarcceti super petrol nooca Avion-cento ottoni* Waxa kale oo Qandaraas lagu siiyey Jama-Buluug in South Africa iyo Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4 Farsamoyaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku darso oo waliba waxa South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii Cunsuriga ahaa ee la odhan jiray Aparthied. Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu milmay Taliskii Ciidankii Cirka ayaa xafiis ka furtay saldhigii dayaaradaha ee Balidoogle oo u dhawaa Baydhabo, halkaas waxa laga abaabulay tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Africa laga keenay ay u fureen Saraakiishii kala ahaa:

 

 

Gaashaanle Sare: Duuliye Ali Ibrahim Ahmed.....(Xamar).

 

Gaashaanle:Duulie Mohamed Warsame Mooto....(ssc).

 

Gaashaanle: Duuliye Maxamuud Mad Khaliif.....(Bakool).

 

 

Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa Sherkedii Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa 600,000 US Dollor. lacagtaas waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la odhan jiray Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca Dhoodimeer waxa uu ka turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla weynidii dalka jirtay sebenkaas.

 

 

Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku qaran...

 

 

Dhoodi-Meer LTD COMPANY

 

Account Number 140/1/02494515

 

National Westminster Bank

 

1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE

 

BERKELEY SQUARE

 

LONDON W1X 6AX

 

UNITED kINGDOM

 

 

Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka qariyey isla markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey in uu ka hortago wax kasta oo beentaa qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye Faarax Siciid (PUNTLAND) oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa iyo Gaashaanle sare Mohamed Adan Dirir (J

UBBALAND) oo isna ahaa Taliyihii Ciidanka cirka ee Berbera ayaa ku dalbaday Duuliyayaashii dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay duqeeyaan oo si culus u Bamgareeyaan dad iyo wixii ay arkaan, si ay u horjoogsadaan Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia. Ujeedada Siyaad Bare waxay ahayd in uu Dunida ka qariyo xaqiiqda jiritaanka ee dagaalka.

 

 

Gaashaanle Sare Farah Siciid (PUNTLAND) Taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa oo isagu ahaa ninkii gacanta ku hayey hawlgelinta Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku balaadhatay u habarwacday taliyeyaashii saldhigyada ciidanka cirka ugu waa-weynaa ee ku yaalay Ballidoogle iyo Baydhabo.

 

Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf (PUNTLAND) taliyihii ciidanka Cirka ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo Gaashaanle sare Duuliye Ali Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee Baydhabo oo isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg ah uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta ahaa ee hore u socday.

 

Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar ayaa markay arkeen ama ka war heleen Gurmadka Dayaaradaha ah niyadoodii si la yaab leh kor ugu kacday, waxaanay aamineen in iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la abaabulay duulaan cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u qaxeen iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa markiiba sahan loo diray dayaaradaha CESNA oo ay wadeen duulliyeyaasha kala ahaa:

 

 

1-Duuliye Ahmed Mohamed MaHamoud (JUBBALAND)

 

2-Suufi Jeylaani Maxamed (XAMAR)

 

3-Faarax Xaaji Salaad (PUNTLAND)

 

4-Yuusuf Juseeb (PUNTLAND)

 

5-Xasan Yare.....(ONLF)

 

 

Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo afjaro halgankii SNM., Duqayntii cirka iyo dhulkaba waxa ay si xidhiidha oo aan kal-g'olahayn habeen iyo maalinba u socotay muddo dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamoud *Yuusuf yare (PUNTLAND) oo waday Mig 17 waxa uu duqeeyey goob kasta oo uu ku arkay Bidhaan dad iyo duunyo, Xataa Xoolaha nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi jirin. ninkaas oo Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii Kaalinta kowaad ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay Somaliland iyo Shacabkeedii.

 

Gaashaanle dhexe Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto* (SSC) ayaa isna qaatay kaalinta labaad ee duqayntii dhinaca Cirka. Kaalinta seddexaad waxa qaatay Gaashaanle Sare Duuliye Mursal Muufo (XAMAR). Mursal waxa uu ku duuli jiray Mig 19.

 

 

Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga Somaliland waxa ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran.....

 

 

1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf (PUNTLAND) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Balidoogle.

 

2-G/sare Faarax Siciid(PUNTLAND) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa.

 

3-G/sare Maxamed Adan Dirir (JUBBALAND)Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera.

 

4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (PUNTLAND)....Duuliye Mig 17.

 

5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( XAMAR)........Duuliye Mig 19.

 

6-G/sare Maxamed Xasan Raage (XAMAR)............Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday....Cilad-farsamo

 

7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim )............Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday

 

8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori (ONLF).............Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday

 

9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(XAMAR)................Duuliye Mig 19, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday.....Cilad-farsamo

 

10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax (JUBBALAND).............Duuliye Mig 19

 

11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji (ONLF) Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga Baydhabo.

 

12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame (SSC)......Duuliye Hunter.

 

13-G/dhexe Moxamed Khaliif ***** (BAKOOL)............Duuliye Hunter, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.

 

 

Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la galeen Jabhadii SNM, ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday in magac mooyee aanay Aqoon durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha dagaalka, waxa la ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay horjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka Itoobiya u qaxaayey.

 

 

Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii Shisheeyaha Calooshood u Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen dagaalkii. Jama-Buluug oo Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano iyo hal dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa la dajiyey Guri dabaq ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex (Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar Ismaaciil*Casaro* (PUNTLAND). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie Robanson oo Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu ahaa CESNA laba Mator-lay oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay Mogdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq Afgasho...*flight code: five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd daabulka Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga soo kiraystay South Africa iyo Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan danbiile ee hoos ku qoran.

 

1- J.R. Blythe Wood......Pilot.

2- M. Shegnuller...........Pilot.

3- D.R Jakson.............. Chie Engineer.

4- K.Jonnes................. Engines.

5- C.D Balfour

6- J.D. Hurrel

 

Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada Calooshood u shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku bedbedelijiray. Calooshood u shaqaystayaashu marka ay hawda ku jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen Code Names ahaa Jama iyo Diini.

 

Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah Gumaadeen Hanti badan burburiyeen haddan aakhirkii lafahoodii ayey u baqeen oo wey soo carareen. Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u jaray dayaaradii uu watay ayuu isna Baarashuud ama Dallad kaga booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la yidhaahdo Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal la macno ah Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa Dhaama* ........ Dhamaad.

 

Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb waxaan ka soo xigtay Buugga la yidhaahdo Sababihii Burburkii Somalia oo uu qoray Qoraaga Magaciisu yahay Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen waxa ku deeqay Shakhsiyaada-ka hoos ku qoran.

 

1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani) )

2-Idiris Shide oo ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii Ballidoogle.

3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer ee Nairobi Fadhiyey 1980-tamaadkii.

4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka: Sare/Guuto...Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi-Caluq)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@the way they describe the identity of the pilots. :D:D @Jubada dhexe, ONLF, Bakool, Puntland and so on.. Reer Cal and reer abdi mey iska dhahaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dont forget the big exception on that list.

Abdi Mohamed Hassan(the Hero of Hargeysa, the Hero of all Somali's), the pilot who refused to bomb Hargeisa.

 

 

INTERVIEW - Somali pilot returns to city he refused to bomb

Fri Jun 27, 2008 5:29am EDT

By Hussein Ali Nur and Guled Mohamed

 

HARGEISA Somalia, June 27 (Reuters Life!) - On July 13, 1988, Somali fighter pilot Abdi Mohamed Hassan was ordered to bomb Hargeisa city as part of operations by dictator Mohamed Siad Barre to crush anti-government forces.....Reuters

 

(Writing by Guled Mohamed; Edit by Matthew Jones)

 

Other articles:

Mudulood

SL Times Intervieuw

SL Democracy Watch

 

This is what the guardian wrote in 1988:

******

According to The Guardian newspaper, Somali Air Force pilot has defected to neighbouring Djibouti after refusing to bomb civilian targets in the rebel held Northern city of Hargeisa. Lieutenant-Colonel Ahmed Mohamed Hassan, the defected pilot provides further evidence, in a telephone interview with Omar Alasow, in his residence in Luxemburg that:

 

"At the briefing (before the attack) we were instructed that the military target is the enemy. Direct your attacks against wherever there is a high concentration of Isaaqs. They are all SNM members and supporters (meaning civilian population from the ***** clan). I asked the Brigadier-General if such bombardment was legitimate and constitute a military advantage for the Air Force. "It is the responsibility of the Isaaqs (civilian population) to kick out the SNM from their homes. They accommodate them. Let them face the consequence" he replied, adding that "in times of war we are obliged to obey orders. No question."

 

The original mission of the Somali National Army was to protect the nation from external aggression. I was trained to fight against an enemy force not my own people; my decision was firm to risk dying rather than bombarding civilians and their property."

 

The Guardian, Friday July 15, 1988.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this