Sign in to follow this  
Gabbal

Ciidamo Kenyan ah oo dhaq dhaqaaq ka wada xuduuda G/Gedo

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamo Kenyan ah oo dhaq dhaqaaq ka wada xuduuda G/Gedo

 

 

Baardheere 10, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo tiro badan oo Kenyan ah ayaa sida wararka lagu helayo la soo dhoobay dhinaca xuduuda Kenya ay la wadaagto gobolka Gedo, kuwaasi oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

 

Dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda Kenya ayaa si weyn looga dareemay gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow xuduudaha, inkastoo dhaq dhaqaaqyadaasi ay yihiin kuwo kooban oo Kenya ay uga gol leedahay in ay ku adkeyso amaanka xuduuda ay la wadaagto dalka Somalia.

 

Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in ciidamada Militariga dalka Kenya iyo kuwa booliska oo wata gawaarida gaashaaman in la dhigay xuduuda u dhaxeysa labada magaalo ee ceelwaaq Somalia iyo Ceelwaaq Kenya.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in la arkayay boqolaal ciidamo Kenyan ah oo gaaf wareegaya xuduuda labada magaalo, kuwaasi oo baaraya dadka iyo gaadiidka ka imaanaya dhanka Somalia.

 

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa ay xayiraad ku soo rogeen isgaarsiinta magaalada Ceelwaaq Kenya iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga, lamana yaqaan sababaha ciidamadaan loo soo dhoobay xuduuda, laakiin warar ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaato Kenya kaga yimaada dhinaca Somalia.

 

 

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this