Sign in to follow this  
Xudeedi

Garoowe: EU Donor Agencies Visit Puntland's Interior Ministry

Recommended Posts

Xudeedi   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo Wefti qaabishay + Sawiro.

 

Garoowe: Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha, D/hoose & Horumarinta Reer Miyiga Puntland Coll: Cabdi Yaasiin Xiri ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Wasiirka Wasaaradaas xubno ka socday Midowga Yurub, deeq bixiyayaasha & Hay’adaha Qaramada Midoobay.

 

Kulankan ayaa salka ku hayey sidii loo sii balaarin lahaa mashaariic dhowr ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland la wado Hay’adahaas loona dardargelin lahaa, kulankan oo socday mudo saacada ah waxaa laysla meel dhigay in la xoojiyo wada shaqaynta Laamaha Hay’adaha Qaramada Midoobay & Wasaaradda .

 

Waxaana kulankaas ka hadlay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha isagoo si qota dheer ugu hadlay baahiyaha jira & sida ay lagama maarmaan u tahay inay gacan ka siiyaan hay’aduhu Wasaaradda, waxaakale oo kulankaas goob joog ka ahaa Agaasimaha Qorshaynta Wasaaradda Maxamed Cali Nuur (Juba) ahna kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada & Xoghaynta Wasiirka Maxamed Axmed Ismaaciil (Shiine).

 

Gebogebadii waxaa kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad fiican sida uu allsanaag.com u xaqiijiyey Maxamed Cali Nuur (Juba) Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo isagu shirkaas goob joog ka ahaa ahna Masuulka u qaabilsan Wasaaradda Maashaaricda lala wado hay’adahan.

 

DAAWO SAWIRO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this