Sign in to follow this  
Siciid1986

Burco: Isu-soobax Baajiyay Qudbadii Rayaale ee Fagaaraha Khayriyada

Recommended Posts

MudBurcThurday4_580x435.jpg

 

 

MudBurcThurday_580x435.jpg

 

“UDUB Way Tagaysaa Dadyoow Joojiya Tahriibta”

 

 

Burco - Qudbad la Filaayay in uu Daahir Rayaale Kaahin Maanta ka jeediyo Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco ayaa gabi ahaanteedba Baaqatay, Kadib markii ay khayriyada Magaaladaasi Burco Saaka aroornimadii hore qabsadeen kooxo dhalinyaro gadoodsan oo u muuqaday in ay ka soo horjeedaan socdaalka Rayaale ee Xiligani uu ku Yimid Gobolka Togdheer

 

Ilaa Iyo hada lama oga ujeedada keentay isu-soobaxani baajiyay Hadal uu Rayaale loogu talo galay in uu Fagaarahaasi khayriyada uga jeediyo dadweynah reer Burco,” Qorasha ayay noogu jirtay in uu Riyaale maanta Khayriyada kala hadlo dadweyna lakiin Wakhtiga oo aan noo saamaxayn awgeed ayaanu u baajinay, lakiin Adeer Runbaan kuu sheegayaaye Waxa macno ah samayn mayso Ciyaal ay Mucaaradku soo uruuriyaan oo aanu ka warhayno raga xalay soo abaabulaayay, manay baajin ee wakhtigaa u saamixi waayay” Sidaasi waxa Somaliland.org u Sheegay mid ka Mid ah Wassiirada Riyaale Safarka ku weheliya waxana uu intaasi ku daray

 

Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco ayaa waxa ku soo xoomay kooxo dhalinyaro cadhaysan ah, kuwaasi oo ku qaylinaayay ereyo ka dhan ah Rayaale “Doodi mayno Rayaale”Waa Rayaaloo Raagi Maayo” UDUB Way Tagaysaa Dadyoow Joojiya Tahriibta” Ayaa ka mid ahaa ereyada laga Maqlaayay Dhalinyaasi iyaga oo ku qaylinaaya,

 

Qaar ka mid ah Isusoo-baxayaashani ayaa gacmah ku haystay Sawirada Rayaale oo La Jeex-jeexay, Isu-soobaxayaasha ayaa ku eekaa oo kali ah Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco, waxana uu u muuqaday Mid Loogu talao galay in lagu carqaladeeyo Qudbada Daahir Riyaale

 

Dhinaca kalena amaanka Magaalada Burco ayaa xalay aad loo adkeeyay, iyada oo guud ahaanba Magaalada laga dareemaayay Culasyka Ciidamo Milatari Tigniko wata u badan, Sidoo kale waxa isla xalay la xidhay Socodka Wadooyinka Guud ahaanba Xaafada Shacabka Burco ee uu ku yaalao Guriga Martida ee uu degenaa Riyaale, iayada oo taasi ka dhigan Markii ugu Horeysay ee Bandoo Lagu8 Soo Rogo Magaalada Burco Qaybo ka mid ah tan iyo wixii ka danbeeyay Bur-burkii Dawladii Maxamed Siyaad Bare

 

Wararkii ugu Danbeeyay ee Socdaalka Rayaale

 

Daahir Rayaale Kaahin ayaa Sidoo kale xalay kulan saacad qaatay Kula yeeshay Hoolka Shirarka ee Guriga Martida qaar ka mid ah Cuqaasha Iyo Waxgaradka Magaalada Burco, ma jiraan warar rasmi ah oo laga hayo waxa ay ka wada hadleen labada dhinac hasa yeeshee Sida Ay Somaliland.org u xaqiijiyeen Ila wareedyo ku dhaw dhaw weftiga Riyaale, waxa uu qorshaynayaa sidii uu ula Kulmi lahaa Wax-garadka Beelaha Gobolka Togdheer Siyaabo Gooni gooni ah

 

Ilaa Iyo hada si dhab ah uma cada inta casho ee uu joogi doono Rayaale Burco, Sidoo kale waxa warar is khilaafsani ka soo baxayaan dhinaca uu uga sii gudbi doono Socdaalkiisa wayda ah ee uu ku yimid Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this