Sign in to follow this  
Kamaavi

Ambassador Booth: Xalka O'gaden Waa Xalka Amniga Itoobiya

Recommended Posts

Kamaavi   

Ambassador Booth: Xalka O'gaden Waa Xalka Amniga Itoobiya, Waana Isha Xasilooni Darida ee Ka Jirta Itoobiya.

 

 

Donald Booth oo ah Safiirka Cusub ee Bilihii Ina soo dhaafay Loo Magacaabay Itoobiya ahna Wakiilka Dowlada Maraykanka u Fadhiya Dalka Itoobiya ayaa Markii oogu Horaysay ka Hadlay Arrimaha Itoobiya isagoo Carabka ku Dhuftay, In Doorashada soo socota u Dhacdo si Xaq ah, In Arrimaha Xuquuqda Aadamaha Dowlada Maraykanku ku saarto Cadaadis Xoogan Itoobiya iyo In Maxaabiista Siyaasiyiinta ah la sii Daayo. Shabakada O'gadentoday ayaa Bishii December 10 2009 Idin soo Tabisay Magacaabistii Safiirka.

 

Safiirka ayaa Hadalkiisa ku Bilaabay, Xukumada Addiss Ababa iyo Washigton waxaa ka dhaxeeya Dano Isku Dhafan oo Badan, Waxaana oogu Horeeya, In isha Lagu hayo Dhaq-Dhaqaaqa Islaamiyiinta Soomaliya Kuwaas oo Marnaba aan loo Ogolaan inay la wareegan Dalka.

 

Balse wuxuu Safiirka sheegay in Xoriyada Siyaasadeed, Dhaqaaleed, Iyo Xuquuqda Aas aasiga ah ee Bili aadan inay Tahay Mabaadiida Dowlada Markanku ay ka Duulayso, Loona Baahan yahay in Itoobiya aysan Ku Takar Falin.

 

Senator Russ Feingold oo ah Gudi Hoosaadka Xariirka Afrika ayaa sheegay in Safiirka Qorshayaasa oogu Jira Mahiimada ka Mid tahay O'gaden, Halkaas oo Maraykanku doonaya in wax ka badalo Nidaamka wax u socdaan, Senator Russ Feingold oo arrintaas ka hadlaya wuxuu Yiri "Waxaa Kaloo oo ana Isha ku Hayn Doono, Xaalada Xuquuqda Aadamaha ee O'gaden, Halkaas oo ay dhibaato Bili aadanimo ay ka dhacday, Halkaas oo ay Ka Dagaalamayan Dad Gobanimoi Doon ah Islamna ah oo Raadinaya Madax Banaanida Gobalka O'gaden."

 

Safiirka wuxuu Cadeeyay In Gobalka O'gaden yahay Isha Ama Buda Amni Darida Itoobiya ay ka soo Burqanayso, Itoobiya waxaan doonan inan la shaqayno si Isku Xirnaanshaha Dalka loo Helo, loona Ilaaliyo Xuquuqda Aadamaha, O'gaden waa in loo Helaa Xal waara Taas oo aan donayan inaan Itoobiya ka wada hadalno, oo aan doonayo inaan Raysul Wasare Melez Kala hadlo anoo Matalaya Dowlada Maraykanka.

 

Aqoonyahanada Geeska Afrika iyo Caalamada ayaa aaminsan in Dhibatada Geeska Afrika Taala Tahay Xal u helida Ogadeeniya Iyadoo in Badan Hogaanka Jabhada ONLF golayaasha Kulamada iyo warbaahinta kaga Hadleen in Xalka Gobalka inuu yahay Xalinta Qadiyada iyo Xuquuqda Xoriyadeeda ee Shacabka Ogadeeniya.

 

 

Warkii Hore La Xariiray Safiirka ee Bishii December 10 2009 O'gadentoday Idin soo Qortay Halkan ka eeg, Link

 

O'gadentoday

Addiss Ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^New or not, these are some valid points which the ambassador has highlighted eventually:

 

"Waxaa Kaloo oo ana Isha ku Hayn Doono, Xaalada Xuquuqda Aadamaha ee O'gaden, Halkaas oo ay dhibaato Bili aadanimo ay ka dhacday, Halkaas oo ay Ka Dagaalamayan Dad Gobanimoi Doon ah Islamna ah oo Raadinaya Madax Banaanida Gobalka O'gaden."

Qodobka koowaad.

 

 

Safiirka wuxuu Cadeeyay In Gobalka O'gaden yahay Isha Ama Buda Amni Darida Itoobiya ay ka soo Burqanayso, Itoobiya waxaan doonan inan la shaqayno si Isku Xirnaanshaha Dalka loo Helo, loona Ilaaliyo Xuquuqda Aadamaha, O'gaden waa in loo Helaa Xal waara Taas oo aan donayan inaan Itoobiya ka wada hadalno, oo aan doonayo inaan Raysul Wasare Melez Kala hadlo anoo Matalaya Dowlada Maraykanka.

Qodobka labaad.

 

Aqoonyahanada Geeska Afrika iyo Caalamada ayaa aaminsan in Dhibatada Geeska Afrika Taala Tahay Xal u helida Ogadeeniya Iyadoo in Badan Hogaanka Jabhada ONLF golayaasha Kulamada iyo warbaahinta kaga Hadleen in Xalka Gobalka inuu yahay Xalinta Qadiyada iyo Xuquuqda Xoriyadeeda ee Shacabka Ogadeeniya.

Qodobka saddexaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the region's population should get a self-determination vote - which is guaranteed by Ethiopia's constitution -, which it won't get under the current government and with Gas in the region administrations to come will have to make a difficult choice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Wednesday, 03 February 2010 16:49

 

Safiirka Maraykanka ee Madaxweyne Obama uu u magacabey dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu Itoobiya ku cadaadin doono in ay wax ka bedesho arimaha Xuquul insaanka.

 

Mudane Donald Booth ayaa sheegay in Maraykanu dalka Itoobiya la leeyahay xidhiidh aan dabacsaneyn, kaas oo ah in labada dal ku kala duwan yihiin arimo la xidhiidha xaga farsamada marka ay noqoto sidii nabad loogu soo dabaali ahaa Soomaaliya, inkasta oo ay isku si u arkaan sidii looga hortagi lahaa in muslimiinta mayalka adag la wareegan Soomaaliya.

 

Safiirka ayaa ka digey xadidaada Itoobiya ee la xidhiidha xaga siyaasada, dhaqaalaha xoriyad la’aanta ah iyo arimaha aas-aasiga Xuquuqul insaanka Itoobiya oo lid ku ah waxyaabaha uu Maraykanku u taaganyahay, arintan oo keeni karta in Itoobiya noqoto goob ay ka abuurtanto xasilooni daro mustaqbalka.

 

Mudanaha aqalka sare eee Mudnayaasha Maraykanka madaxda uga ah qaybta Arimaha Dibada ee Afrika oo lagau magacaabo Russ Feingold ayaa Safiirka ka codsadey in mas’uuliyiinta Itoobiya kala hadlo arimaha dadka xabsiyada ku jira oo ay a mid tahay Gabadha lagu magacaabo Birtukan Mideksa oo ah hogaamiya xisbiga mucaaradka.

 

Mudane Booth oo arintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in ay Madaxda Itoobiya dani ugu jirto inaysan dadka siyaasadooda ka soo horjeeda iska xidhin.

 

Safiirka ayaa u balan qaadey Mudane Russ Feingold in uu eegi doono arimaha Ogadeeniya halkaas oo ay ka jirto dhibaatooyin badan oo la xidhiidha ku xadgudubka Xuquul insaanka, wuxuuna sheegay in uu doonayo in ay la hadlaan Itoobiya si loo halo wadadii ay Itoobiya xuduudaheeda ku difaaci lahayd, isla markaana u ilaalin lahay arimaha Xuquuqul insaanka ee dhamaan shacabka Itoobiya oo ay Ogadeeniya ka mid tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this