Sign in to follow this  
General Duke

Reconciliation conference to be held in Mogadishu.....

Recommended Posts

MUQDISHO: Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo la sheegay in lagu qabanayo dalka gudihiisa gaar ahaan Muqdisho

Posted to the Web Feb 25, 12:06

 

 

Muqdisho (PP) – Dowladda Federaalka Soomaailya ayaa shaaca ka qaadday maanta in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

 

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran lagu qaban doono dalka gudihiisa, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana Prof. Geeddi uu ka dhawaajiyay in shirka dib u heshiisiinta uu yahay mid ay u wada dhamaan doonaan qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo ah qorshe ay dowladda Soomaaliya doonayso in lagu heshiisiiyo qaran Soomaaliyeed ayaa hordhiciisii waxaa lagu qabtay horraantii bishan Hotelka Kaah ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran uu noqonayo mid lagu heshiisiinta qabaa’illada Soomaaliyeed, isla markaana uusan ahayn mid lagu heshiisiinayo Dowladda iyo xubno kale oo ka soo horjeedda.

 

 

 

Yuusuf ayaa inkiray in shirkaas ay ka qaybgeli doonaan madaxdii Maxkamadaha ee la eryay, isagoo sheegay inuusan garanayn wax la yiraahdo Maxkamado Midoobay oo ay og yihiin meel ay hadda ku sugan yihiin.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jnatiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka oo ka dhawaajisay in Muqdisho lagu qabanyo shirka dib u heshiisiinta Qaran

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 25/02/07

 

Maanta ayay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka caddeeyay Nairobi shalay in shirkaas lagtu qabanayo Muqdisho ayna ka qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Prof. Geeddi uu sheegay in shirkaas uu noqonayo mid lagu heshiisiiyo beelaha Soomaaliyeed oo dhan.

 

 

 

 

Sidoo Kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu shirkaan ku baaqay kal hore ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran uu noqonayo mid lagu heshiisiinta qabaa’illada Soomaaliyeed, balse uusan ahayn mid lagu heshiisiinayo Dowladda iyo mucaaradkeeda.

 

“Ma garanayo meel ay ku sugan yihiin kuwa aad ii sheegaysaa ee aad I leedihiin waa maxkamadaha Madaxdooda, maxkamada waa hore ayay kala jajabeen, mana dhacayso in aan isku wareerinno inaan la hadalno” ayuu u sheegay warbaahinta caalamka qaarkeed Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugnaa London marka uu hadalkaan yiri.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

 

Muqdisho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It is good news, some thing that the government wants to isolate the capital, not true at all. Those who destroyed it want to keep it as it is, using many fake guises.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The reconciliation conference is Somali wide one, in which all the clans and their leaders, religious, women and youth are invited.

The clan courts and their groups have nothing to do with this and there is no negotiations with them planned..

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in 16-ka April la qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

 

Khamiis, March 01, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta khudbad u jeedinayay XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku dhawaaqay goorta la qabanayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay horay u iclaamisay Dowladda Federaalka.

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay soo dhamaatay qabanqaabadii loogu jiray qabashada shirkaas, wuxuuna caddeeyay in shirkaas la qaban doono 16-ka Bisha April ee soo socota, iyadoo ay ka qeybgeli doonaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida oo ka kala imaanaya Dhamaan Gobollada Dalka Soomaaliya iyo weliba dibaddiisa.

 

Madaxweyne Yuusuf waxaa uu intaas ku daray in shirkaas oo ay ka qeybgelayaan ilaa 3000 oo ergay ay hoggaamin doonaan Dad xurmo ku dhex leh dadka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda Federaalka gacan ka geysan doonto fududeynta shirka iyo weliba sidii ay miro uga soo bixi lahaayeen.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in shirkaas uu socon doono muddo labo bilood ah wuxuuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay tixgelin iyo muhiimad gaar ah siiyaan miraha ka soo baxa shirkaas oo lagu soo af-jarayo dhibaatooyinkii Shacabka Soomaaliyeed kala gaaray mudadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee uu dalka Soomaaliya Dowlad la'aanta ahaa.

 

Madaxweynaha ayaa gunaanadkii khudbaddiisa waxaa uu ugu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in uu socdaal kale ugu amba baxayo dalka dibaddiisa, kaasi oo uu sheegay in uu dhaqsi ka soo laaban doono, wuxuuna XIldhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay si adag u sii shaqeeyaan.

 

Dhanka kalena, Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka warbixiyay socdaallo uu ku soo kala bixiyay Dalalka Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in uu dalka Faransiiska uga qeybgalay shir ay lahaayeen Madaxda Dowladda Faransiiska iyo Dalalka Afrika, sidoo kalena uu Magaalada Dubai uu kula soo kulmay madax ka tirsan Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

 

Ra'iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta ay ugu deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliya lacag dhan 3 Milyan oo Doollar, taasi oo lagu siin doono Raashin, Shidaal iyo Gaadiid, isagoo intaas ku daray in ay Dowladda Imaaraadka u caddeysay in taageero diyaar ula Dowladda Federaalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqay mudada uu bilaabanayo kulan weynaha dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Madaxweynaha wdanka Soomaaliya Mudane C/lahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay mudada uu billaabanayo kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

 

Madaxweynaha wdanka Soomaaliya Mudane C/lahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay mudada uu billaabanayo kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

 

Madaxweynaha Soomaliya oo maantala hadlayay xubnaha barlamaanka dalka Soo maaliya ayaa sheegay in kulan weynaha dib uheshiisiinta Soomaaliya uu bilaabanayo bartamaha bisha April ee inasoo aadan,islamarkana uusocon doono muddo labo bilood ah.

 

"Waxaan doonayaa in aan ku dhawaaqo in shir weynahadib u heshiisiinta Soomaaliya laguqabandoono magaalada Muqdisho uuna rasmi ahaan u billaabamn doono 16-ka bisha April uuna socondoono muddolabo bilood ah"ayuu yiri madaxweynaha dalka Soomaaliya Yuusuf oo maanta la hadlayayxubnaha barlamaanka dalka Soomaaliya.

 

"Waxaa kulanka ka qeyb gelidoonaan 3,000 oo ergo oo ka kala imaanaya dalka iyo dibadda intaba"ayuumar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 30-kiibishii janaayo ku dhawaaaqay barnaamijka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

indeed ,

 

shirkaas ay ka qeybgeli doonaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida oo ka kala imaanaya Dhamaan Gobollada Dalka Soomaaliya iyo weliba dibaddiisa.

 

This wonderfull idea , this meeting would/should unifie the different somali communties and parties ,I hope their is no outside influence and meeting should be based on somalinimo . TFG should allow free speech and rights of everyone that has influence in somalia to attend the meeting including SHeeq sharif .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this