Sign in to follow this  
Wiilo

Fursaddii ugu Danbaysay ee Soo marta DFKS

Recommended Posts

Wiilo   

Fursaddii ugu Danbaysay ee Soo marta DFKS

 

 

Xasan Dhooye (Abuu Xafso)

dhooye@hotmail.com | June 16, 2006

 

 

Sida aan lawada socono waxaa ka dhacay Soomaaliya isbadel taariikhi ah oo aan horay uga dhicin, waxaadna xasuusaynaysaa maahmaahdii xikmada xambaarsanyd ee ahayd “xaqa hadii afka laga owdo feeruhuu ka dilaacaaâ€.

 

 

 

Waxaa Koonfurta Soomaaliya inteedii badnayd xoog kula wareegay hirar kacdoon shacab ah oo ay horkacayaan Midowga Maxaakimta Islaamiga, sababta keentay kacdoonkaana waa Markii ay ku dhawaaqeen qabqablayaashii Koonfurta Soomaaliya intoodii badnayd in ay sameeyeen urur ay ugu yeerayn “soo celinta Nabada iyo ladagaalanka Argagixisada†shacabkuse u bixiyeen “Isbahaysiga Shaydaanka iyo ladagaalanka Diintaâ€.

 

 

 

Ururkan samayntiisa oo leh sababo badan ayna ka mid tahay in Maraykanku uu ku bixiyey lacag badan $100.000.-$150.000 bishiiba inuu shaqeeyo ururkaan daraadeed khaasatan laanta CIA sida Saxaafada caalamku ay aad u baahiyeen asbuucaan, waliba ay raaciyeen dadbadan oo siyaasiyiin ajnabi una dhuun daloola bariga Africa iyo Soomaaliyaba inay ahayd talaabo qaldan ayna kasoo baxeen waxaan lafilayn.

 

 

 

Waxaa muuqata in saxaafada Caalamku warkasta madaxdiisa ay kusoo qaadanayaan Soomaaliya aduunkuna aad ugu mashquulsan yahay hadal haynta arrimaha Soomaaliya, ilaa Maraykanka oo horay go’aan ugu qaatay marka laga hadlayo Soomaaliya inuu yiraahdo “Fiiri oo ka aamus†uu Maanta qabtay Shir uu hormuud ka yahay ayna kasoo qayb galeen Maraykan,Yurub, Tanzaaniya iyo goob jooga yaal kale, taasoo ka xanaajisay wadamada Carabta iyo wadomo Afrikaan ah oo iyagu is bidayey in Soomaaliya loo sii maro sababo jira owgood.

 

 

 

Hadaba waxay tahay su’aashu maxaa Caalamka iska badalay oo ka hadlinaya 15 sano kadib?, dabcan waa su’aal wayn laakiin aan dib ugu dhigano qoraaladeena kale insha Allaah.

 

 

 

Waxaa kaloo iswaydiin leh Maxaa aamusiyey DFKS?, iyadoo waxaan oo isbadala ka dhacayaan wadankeedii walibana Caasimada iyo agagaarkeeda oo u jirta masaafo aan saas uga dheerayn Baydhabo, ilaa hadda la maqal warsaxaafad oo kasoo baxay laamaheeda ama shir kusaabsan arintaas oo ay qabatay halka New York Maanta lagu falan qaynayey arinta soomaaliya loona magacaabay urur cusub.

 

 

 

- Jawaabtu waxay noqon kartaa waa dowlad markii horeba aan shacabku dooran oo gacan ku rimis ahayd, taasina waxay qasbaysaa inay sugto wax loo soo yeeriyo.

 

- Waxay marka hore ansax sanayeen in wadanka lakeeno Ciidamo ajnabi ah oo faragin military sameeya, sida shalay loogu codeeyey Baydhabo.

 

- Waxay sugaysaa Shirka ka dhacayey New York wixii kasoo baxa maadaama maanta ay haystaan indho badan oo danaynaya Soomaaliya afkana ku dhufanaya DFKS magaceeda inkastoo wali aysan cadayn ujeedada ka danbaysa.

 

- Iyagoo ay haysato laba daran midooro, haday taageeraan kacdoonka shacabka oo ay hogaaminayaan Maxaakimtu, waxay luminayaan taageerada reer galbeedka iyo Africa qaybteedba dhistay. Hadii ay hadal adag oo go’aana kana dhana kacdoonka soo saaraan waxaa dhici karta in Magaalada kumeel gaarka ay u joogaan uu kaga furmo kacdoon lamida kan hada soco.

 

- Waxaa laga yaabaa inay ku fakarayaan qaadista talaabada qaraar ee ah in wadanka la keeno ciidamo shisheeye taasina ay dhaliso iska hor imaad iyo diidmo hindisaha DFKS sidaana ay marmarsiinyo u noqoto, kuna qanciyaan Ajnabiga ay leeyihiin talo hoosaadka, kuna helaan taageero dhaqaale iyo cidiimo ka awood roon kuwa hada ay Maxaakimtu hogaaminyaan oo ay rajaynayaan inay kacdoonka shacabka ku muquuniyaan.

 

 

 

Haddaan dib u milicsano Fursadihii Soomaray DFKS way badnaayeen waxaana la oran karaa ugama faa’iidaysan sidii larabay 80%, hadaba miyaan la oran Karin tani waa fursadii ugu danbaysay ee Soomarta?, Maadaama Caasimada iyo Nawaaxigeedii la wareegeen hirar Kacdoon shacab ah oo ay hogaaminayaan Maxaakim Islaami ah, Isla markiina ay ku dhawaaqeen inay Soo dhawaynayaan DFKS wada hadala la furayaan.

 

 

 

Dagaaladaas oo ay uga xoog roonaadeen Maxaakimtu qayb kamida Wasiiradeedii oo horay ugu madax taagay Awaamirtooda, kadibse ay usuura gashay DFKS inay xilka ka qaadaan markii la jabiyey kadib, iyadoo taas laftigeedu iswaydiin mudan tahay!, Maxaa horay loogu dhiiran waayey.

 

 

 

Hadaba maxay tahay Fursada ugu danbaysa ee ay haystaan DFKS?, waxaan oran karaa waa inay tixgaliyaan shacabka aan dooran rabitaankooda waana inay fikiraan iyagoo soo jeeda, indha hooduna furan yihiin, waa inay dareemaan isbadalka dhakhsaha badan ee socda intaysan noqon mid daahda.

 

 

 

Fursadaha taagan waa in sida u dhakhsaha badan ugu dhawaaqaan shir dag dag ah oo ku saabsan arinta hada ka socota Soomaaliya, waa inay ku dhawaaqaan hakinta dalbashada ciidamada shisheeye iyadoo sababtii loo dalbanayeyba ay meesha ka baxday,sidoo kalena waa inay cusumaad heer sare ah u diraan Midowga Maxaakimta ayna muujiyaan isu soo dhowaansho, waxaa kaloo muhiima inay xasuustaan dowladaan inay ku dhisnayd awood qaybsi, hadii awoodihii hore meesha ka baxeen dabcan cidii badashaa matalaysa.

 

 

 

Waxaa kaloo Fursad qaali ah oo maanta hortaal DFKS Taageerada Maraykanku uu hada muujiyey iyadoo aan walibana la hubin noocay noqonayso, isagoo horay uga indho saabtay codsiyadii iyo cabashooyinkii kasoo yeerayey dowlada curdanka ah oo aan rug iyo raas toona haysan markaas, iyo taageeradii shacabka Soomaaliyeed siiyeen DFKS meelay joogaanba markii la dhisay, marka laga reebo dad tiro yar. DFKS ma Maraykan kay raaci doontaa oo dhinac maray taageerayna Qabqablayaashii ku gacan sayray?, mise shacabkeeda ilaa hada soo dhawaynta kuwada?, waa fursad laakiin jawaabteeda aan waqtiga u dayno.

 

 

 

Hadaan laga faa’iidaysan fursadahaas qaaliga ah oo maalmaha nagu soo aadan aan Baydhabo war laga maqal shacabka Soomaaliyeed lama yaabi doonaan in Baydhabana Maxkamad looga dhawaaqo DFKS intooda danbiilaha ahna ay qoxooti ku noqdaan Kenya ama Itoobiya sida saaxiibadoodii oo kale.

 

 

 

Wabilaahi Towfiig

 

 

 

Soomaaliya Soomali baaleh.

 

Xasan Dhooye (Abuu Xafso)

dhooye@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this