Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay xaaladda Laascaanood iyo qabsoomida doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

 Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in ay Sool kula dagaallamayso kooxo Argagaxiso oo qaarkood ay ka soo carareen dagaalka Dowladda Soomaaliya ku qaaday si ay gabaad uga dhigtaan Magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale Mareykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ka ka codsatay in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Sool, Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada ka dagaallamaya Laascaanood ay ku jiraan kuwa ka socda Maamulka Putland, kuwa Maraykanku tababaray ee Danab iyadoo qoraalka lagu xusay in Laascaanood lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Danab kaas oo Maraykanku soo tababaray.

Arrinta Doorashada ayaa wasaaradda Arrimaha dibaddu sheegtay in ay ka go’an tahay xukuumadda Somaliland qabashada doorashada iyadoo tubta doorashadana ay u xilsaaran yihiin guddida Doorashada oo go’aamin doona wakhtiga.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa kusoo aadaya xili xalay Dowladda Mareykanku si adag uga hadashay xaaladda Laascaanood iyo arrinta doorashada Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this