Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: US ambassador on TFG , 2009 ON Abdiqasin's comments laughable

Recommended Posts

Wareysi Khaas ah: Danjiraha Mareykanka ee Kenya oo ka hadlaya arimaha Somalia

 

Danjiraha dawlada Mareykanka u fadhiga magaalada Nairobi Michael Ranneberger isla markaana horey u ahaa u qaybsanaha Mareykanka ee arimaha Soomaaliya, ayaa wareysi gaar ah uu siiyey warbaahinta caalamiga ah ee SBC wuxuu kaga hadley arimaha Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu ka ogyahay socdaalka madaxda Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Somaliya ujeedada ay u yimaadeen magaalada Nairobi, in uu jiro qorshe la doonayo in shir la isugu keeno dawlada KMG ah iyo Isbahaysiga Casmara, siyaasada Mareykanka ee ku wajahan arimaha Somalia, wararka sheegaya in Soomaaliya loo haysto dagaaladii 1993-kii ee Mareykanku ku lug lahaa, waxa xiligan keenay in Kooxda Al-Shabaab lagu daro liiska Mareykanka ugu yeero argagixisada, aragtida Mareykanka ee ku aadan qorshaha uu soo jeediyey Ban Ki-Moon ee ah in ciidamo la keeno Somalia, aragtida Mareykanka ee ku aadan waxa ay ka tahay in laga qabto Soomaaliya marka xiligeeda uu dhamaado DFKMG ah iyo arimo kale fara badan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Part 2-

 

Safiirka oo wareysiga gaarka ah nagu siiyey halka uu ka degan yahay magaalada Nairobi ayaa ugu horeyn waxaan waydiinay maadama dawlada Mareykanka ay tahay dawlad weyn oo si balaaran ugu lug leh siyaasada Soomaaliay waxa uu kala socdo qabanqaabada kulan la filayo in magaalada Nairobi uu ku dhexmaro DFKMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda, wuxuu sheegay Michael Ranneberger in ugu horeyn dawlada Mareykanka ay aaminsan tahay in Soomaaliya ay ka jirto dawlad la aqoonsanyahay, isla markaana ay taageeraan si la mid ah qaramada midoobey iyo wadamo kale, iyadoo dawlada Mareykanka ay taageertey qorshayaashii dib u heshiisiinta Soomaaliya gaar ahaan shirkii Nairobi ee lagu dhisey DFKMG ah ee Soomaaliya, hada waxaan aaminsanahay in ay tahay wax wanaagsan in dawlada KMG ah ee Soomaaliya ay la hadasho ama la fariisato dhamaan qaybaha bulshada Soomaalida, taasina ay aheyd wixii ay isku dayayeen inay sameeyaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Part 3..

 

Mr. Michael Ranneberger wuxuu sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isalwasaare Nuur Cade ay si xoogan u taageereen qorshayaashii dib u heshiisiinta gaar ahaan shirkii Muqdisho ka dhacay ee dib u heshiisiinta sanadkii hore, wuxuu sheegay inay u muuqanayso inay hada wadaan sidii ay ku hirgalin lahayeen hanaanka wadahadalada taasina ay tahay tahay waxa ay doonayanaan dawlada Mareykanka , Qaramada Midoobay, midowga Afrika iyo dhinacyo kale, laakin wuxuu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay jirto dawlada KMG ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana aan loo baahneyn xiligan in la qabto shir nabadeed, waxa ay la tahay in la sameeyana ay tahay in ay ku biiraan dhamaan mucaaradka dawlada la aqoonsan yahay ee KMG ah.

 

SBC waxay waydiisay Michael Ranneberger in hadaba dawlada Mareykanka ay qayb ka tahay dadaalada siyaasadeed ee hada ka soconaya magaalada Nairobi ee ku aadan in la isku keeno dhamaan Soomaalida sida DFKMG ah iyo mucaaradka Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Somalia iyo DFKMG ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Part 4

 

SBC waxay waydiisay Michael Ranneberger in hadaba dawlada Mareykanka ay qayb ka tahay dadaalada siyaasadeed ee hada ka soconaya magaalada Nairobi ee ku aadan in la isku keeno dhamaan Soomaalida sida DFKMG ah iyo mucaaradka Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Somalia iyo DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Michael Ranneberger wuxuu sheegay inaanay u muuqan xiligan wax la yiraahdo qorshaha nabadeynta, wuxuu sheegay in uu jirey shir dib u heshiisiin oo ka dhacay magaalada Nairobi kaasi oo lagu dhisey DFKMG ah, wuxuu sheegay in uu hada ka warhayo in Ra’isalwasaare Nuur Cade uu wado qorshe uu ku martiqaadayo dhamaan kooxaha mucaaradka sida kooxda la magac baxdey dib u xoreynta Somalia waa sida uu yiri danjiruhuy’e, isla markaana hada uu doonayo Ra’islawasaare Nuur Cade in dhamaan qaybaha bulshada sida ganacsada ay ka qayb noqdaan dadaalka dawlada ay wado, iyo waliba cid kasta oo ka qayb qaadan karta inay ku biirto ama kaga mid noqonayso hay’ada federaaliga ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka maran falalka, rabshadaha, argagixisnimada iyo colaadaha taasi wuxuu sheegay inay tahay doorkooda iyo doorka ay taagan yihiin Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isalwasaare Nuur Cade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Danjire Michael Ranneberger,:- “Waa wax lagu qoslo hadalkii C/qaasim Salaad Xasan, Dowladda Maraykanka wax lug ah kuma laha dhibaatooyinka ka taagan dalka Somalia”

 

audio ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

It's amazing how anything this Daanyeer Michael or any of his likes have to say about Somalia and it's existance boosts your morale and gives you some confidence in your prattle!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Mararka qaarkood waan kaa yaabaa walaalow, Do you honestly believe all this copy-and-paste stuff that you constantly bombard us with?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this