Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf Inda Cade leaves Baidoa but leaves some millitia..+ Xudur meeting

Recommended Posts

Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo Galabta ka soo

ambabaxay magaalada Baydhabo

 

Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa maalintii labaad ku sugnaa magaalada Baydhaba oo uu habeen hore guuro ku galay waaberigii isagoo sheegay inuu dhexdhexaadin u tegay halkaasi, laakiin lagu eedeeyay inuu garab siiyay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay isbaheysi hore u lahaayeen.

 

Yuusuf Indha-cadde ayay wararku sheegayaan inuu maanta booqasho indha-indheyn ah ku tegay goobo ka mida magaalada Baydhaba sida Garoonka Diyaaradaha, isagoo ay la socdaan maleeshiyadiisa iyo xubno ka mida garabka Xaabsade.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Baydhaba ayaa sheegayaa in Yuusuf Indha-cadde uu ka soo baxay magaalada Baydhaba isagoo ku soo jeeda magaalada Marka ee xarunta u ah, balse uu Baydhaba uga soo tegay qeyb ka tirsan ciidamadiisa.

 

Ibraahim Xaabsade oo maleeshiyo taabacsan la wareegeen shalay gacan ku heynta magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Sheekh Yuusuf Indhacadde uu ka Baxay magaalada Baydhaba, isagoo yiri waxaanu dooneynaa nabad.

 

Dadweynaha Reer Byadhabo ayaa welwel ka qaba dagaal culus oo mar kale ka dhaco magaalada Baydhabo,iyadoo la sheegayo in gud ahaan Ganacsiga magaalada xiran yahay.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Indha Cadde ka soo tagay Ciidamo iyo Baaburta dagaalka kuwaas oo gacan siinayaan Xaabsade haddii dagaal lagu soo qaado.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan Caawa magaalada Xudur ku yeeshen Wasiiradii Maanta

halkaas gaaray iyo xubno kale

 

Warar goor dhaw naga soo gaaray magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in caawa magaaladas kulan ku yeeshen Wasiiradii iyo Xildhibaanadii manta halkaas gaaray iyo xubno ka tirsan Maamulka magaalada xudur.

 

Kulankaas oo ka dhacay halka ay degan yihiin 5 Wasiir iyo 2 Xildhibaan oo ay ka mid yihiin Shaatigaduud, Sheekh Aadan Madoobe, C/lla Deerow ***** , Sheekh Aadan Sheekh Mader iyo xubno kale ayaa waxaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee talaabo looga qaadayo magaalada Baydhabo oo ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyada Xaabsade iyo kuwa ka amar qaata maamulka Shabeelaha hoose, in kastoo galabta halkaas ka soo tagay Sheekh Yusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde).

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Xaabsade talaabo ka qaadi doonan dhawaana is bedel wanaagsan ka dhici doona magaalada Baydhabo waa sida u hadalka u dhigay.

 

Magaalada Xudur ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaaq xoog badan oo ay wadaan wasiirada manta meeshaas gaaray,kuwaas oo carro kala duwan ka muujiyeesn joogitaanka Baydhabo Maleeshiyada Indha Cadde.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yuusuf Indha Cadde iyo Maleeshiyooyinkii uu hoggaaminayay oo ka baxay Magaalada Baydhabo

 

 

Isniin, March 28, 2005 (HOL)@21:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu halkaas isaga soo baxay Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyooyin uu watay, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Baydhabo.

 

Ka soo bixitaanka Yuusuf Indha Cadde ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto digniino uga yimid Wasiirro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo maanta gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool iyagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi.

 

Xubnahan Nairobi ka soo duulay oo tiradoodu gaareyso 7 Ruux ayaa waxaa ka mid ah Cabdalla Deerow ***** , Shaatigaduud, Shiikh Aadan Madoobe, Ibraahin Kiish Buur iyo Xubno kale, waxaana ujeedada ay Xudur u yimaadeen lagu sheegay sidii ay deegaanada Bay iyo Bakool uga saari lahaayeen xoog iyo xeeladba Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose iyo Maleeshiyooyin la socday, kuwaasi oo Baydhabo u tegay sidii ay ugu hiilin lahaayeen Xildhibaan Xaabsade oo ay dagaal ay iskala soo horjeedeen Maleeshiyooyin ka amar qaata Col. Shaati gaduud.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Md. Yuusuf Indha Cadde oo ka hadlay sababtii uu Baydhabo u tegay ayaa sheegay in ay dhinacyadii ku dagaalamayay Baydhabo ay ugu yeereen in uu soo dhexgalo oo uu joojiyo dagaalka u dhaxeeyay, inkastoo Xubno ka tirsan RRA-da oo ku jira Dowladda Federaalka, isla markaana ka soo horjeeda Xildhibaan Xaabsade ay sheegeen in Yuusuf Indha Cadde uu Baydhabo u tegay in uu qabsado.

 

Yuusuf Indha Cadde, waxaa uu sheegay in uu galabta isaga soo baxay Baydhabo kadib markii ay wada hadallo u bilowdeen odayaasha dhinacyadii dagaalamay, wuxuuna wax aad looga xumaado ku tilmaamay in loogu yeero nin qabsaday magaalada Baydhabo, "tegitaankeyga Baydhabo wuxuu ahaa mid aan ku dhexdhexaadinayay dhinacyadii dagaalamayay oo iyagu iga codsaday in aan kala dhexgalay" ayuuna yiri Yuusuf Indha Cadde.

 

Dhanka kalena, Xubnihii ka yimid magaalada Nairobi ee gaaray degmada Xudur ayaa la sheegayaa in ay halkaas shir ku leeyihiin, iyagoo ka arrinsanaya sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee soo kala dhexgashay dadka Digil iyo Mirifle, inkastoo ay jiraan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in ay mas'uuliyiintaas oo isku fikir ah ay doonayaan sidii ay magaalada Baydhabo gacantooda u soo geli lahayd.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Xubnahan ayaa waxay raali ka yihiin in ciidamo ka socda dowladda Itoobiya ay ka mid noqdaan ciidamada loo soo dirayo Somaaliya, isla markaana ay magaalada Baydhabo si KMG ah u martigeliso dowladda Federaalka Soomaaliyeed, halka Xildhibaan Xaabsade-na uu ku doodayo in caasimaddu ay Muqdisho tahay, isla markaana aaney ciidamo ka socda dalalka safka hore aysan cag soo dhigi karin gudaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAXAMED DHEERE: "Indha Cadde markii horeba xaaraan ayuu ku heystay gobolka Shabeelaha hoose, Baydhabana wuxuu u tegay in uu ku darsado"

 

Isniin, March 28, 2005(HOL)@20:30GMT: Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde uu gobolka Shabeelaha Hoose xaaraan ku heysto, hadana uu doonayo in uu ku darsado deegaano kale.

 

"Indha Cadde, markii horeba xaaraan ayuu ku heystay gobolka Shabeelaha hoose, Baydhabana wuxuu u tegay in uu kororsado xaaraantii uu ku dhex jiray"ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku sii daray "Shabeelaha Dhexe, Baydhabo wey ka dhowdahay haddii ay jirto cid soo weerareysanaya waan soo dhaweyneynaa"

 

"Waa Gef in Shiikh loogu yeero Indha Cadde, Ab iyo Isirna uma lahan in uu wax dhexdhexaadiyo" ayuuna hadalkiisa ku sii daray isagoo sheegay in uu la xiriiray Sh. Aadan Madoobe & Shaargaduud, ayna ku ballameen inay deegaanadooda ka xoreeyaan cadawga ku soo duulay, isagoo sheegay in Sh. Aadan Madoobe iyo Shaatigaduud ay ku soo socdaan Baydhabo, iyagoo shalay soo gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Yuusuf Indha Cadde ayaa isaga soo baxay Magaalada Baydhabo markii ay soo gaareen digniino badan oo uga yimid waxgarad, siyaasiyiin iyo nabaddoono ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo qaarkood ugu hanjabeen in ay xoog kaga saari doonaan haddii uu ka bixi waayo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thank Allah. He left before more bloodshed and that must be very good news for those peace loving somalis in Baideo and beyond. Its also best outcome for the Government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Indhacade knew he couldn't sustain such occupation na'mean. RRA onslaught was coming for him na'mean.

 

The dude is just a confused wolf na'mean. Bad news for Jumatatatata and brotha Horn. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

shows you what a dumb fool he is, this retreat is evidence that his attack was a blooper. what did he gain now? xaarsade is gonne be kicked to the curb and yussef indhacase will be punished for his blooper of the year. and pro-ethiopian troopers are getting an excuse. let this chance be grasped to liberate shabeelaha hoose from this donkey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The dude is just a confused wolf na'mean. Bad news for Jumatatatata and brotha Horn.

Horn :confused: Let's see: Mobb_Deep is back, Duke is on 24/7 propaganda mode, and the rest of the crew is cheerleading. What is this? Morgan vs. Hiiraale III? :confused:

 

Sxb i dhageeso, I could care less about Indhacade. Indhacade adinkaa iigu horeeyay and frankly I believe you're turning the man into a bogeyman :eek: Waxaan ka dhaho ma aqiin, since I don't know anything about the man at all!

 

As for this recent instability in Baydhabo, I don't know the specifics of the problem and I would shoot myself then even believe a word that comes for your camp. So I take the 5th Amendment on that (if you're American you'll understand) ;)icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

^^ temper temper. Ah, Mobb enjoys this.

 

Hey, Hiiraale said he will join the war if his "imaginary enemy" (READ: PUNTLAND) tries to kick indhacade out of Baidoa na'mean. lol

 

What do ya say about that brotha nationalist. Is Hiiraale right? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Etiyoobiyaan ah oo la soo dhoobay Ceel Barde iyo yuusuf indhacade oo ka baxay Baydhabo .. ... 28/3/05

 

 

Warar naga soo gaadhaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo badan la soo dhoobay magaalada Ceel Barde....

 

Ma cada ujeedada ciidamadan hase yeeshee waxaa la saadaalinaya in ay ka qayb qaataan hawlo ciidan oo ka dhaca gobolka Bay.

 

Dhinaca kale Yuusuf indha Cade iyo ciidamadiisa aya la sheegayaa in ay isaga baxeen Baydhabo.

 

Wasiirada dowladad federaalka ee hadda ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ay xoog uga saarayaan Yuusf Indhacade magaalada Baydhabo haddii uusan si degdeg ah uga bixin magaalada.

 

Xaabsade ayaa dhiniciisa ka sheegay in uu diyaar u yahay nabad iyo wada hadal isla markana ka codsady wasiirada jooga Xudur in ay ka qaybqaataan nabada iyo wada hadal.

 

Somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Duke sxb laaf caad ayad tobin ku heysa. Weli masidi ayaad uu calacaale. Ada sxb cirka roob ku og hadiba aad weli rajo ka leedahey ina Yeey iyo xaywaniinta ku harereysan.

36_2_27.gif36_2_27.gif36_2_27.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wasiirada dowladad federaalka ee hadda ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ay xoog uga saarayaan Yuusf Indhacade magaalada Baydhabo haddii uusan si degdeg ah uga bixin magaalada

Yuusuf indha Cade iyo ciidamadiisa aya la sheegayaa in ay isaga baxeen Baydhabo.

Xaabsade ayaa dhiniciisa ka sheegay in uu diyaar u yahay nabad

 

:D:D:D

 

Amazing how things are changing so fast perhaps in seconds

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

This indha BAAS guy must be the smartest warlord I have ever read about. One could say everything about his motive, but it is surprising how fast he came to Baydhabo, (INVADED IT! or freed it-depending on who side one is), makes bold statements and leave.

 

If I see him, I am the first person to kill him, but he has shown somalis that he is the strongest warlord in somalia. Many of the other warlords have usually empty threats meant to frighten off- but this man does the acts of warlordism and does the talk.

 

A few months ago, he was reported to have aided Hiraale in Gedo. He then showed the same kind of swift strategy.

 

If anything, the latest development in Baydhabo shows the need for dialogue and a strong determined government. Abdullahi Yusuf and Geedi cannot rule without the support of somalis- and so far that support is elusive.

 

Abdullahi Yusuf should sack Geedi who is losing the support of the warlords and the people. The issue of foreign troops in somalia is killing the spirit of peace.

 

Futile attempts to blame the speaker (sharif Qaadwade) from Yusuf and Geedi is having a profound affect on the way somalis think. The ethiopian hand is a factor that might kill off all attempts at reconciliation.

 

If the so called president is not ready to enter into dialogue with the warlords and soften his tribal rehtorics, somalia is doomed to continue the path of decay- and in the process Abdullahi Yusuf would become another Ali Mahdi or Abdiqasim.

 

The risk is that we are back to square one; another civil war, the birth of a new warlord, the re-emergence of tribalism and a maqaar saar government that is based on tribalism, theftry and the creation of ppl like this Indha-cade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this