Sign in to follow this  
General Duke

Geedi is welcomed in Galkacyu

Recommended Posts

Gaalkacyo: Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysulwasaaraha oo kulan ay albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Gaalkacyo , iyo warar horu dhac ah oo kasoo baxaya.

 

- Wednesday, February 08, 2006 at 16:58

 

Gaalkayco(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed iyo raysul wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo.

 

Kulankan oo ahaa mid saxaafadda laga hor joogsaday ayaa waxaan isku daynay inaan xiriir la samayno madaxda dawladda federaalka ee kusugnaa halkii shirku ka dhacayay.

 

Masuul ka gaabsaday in magiciisa la sheego ayaa AllPuntland uga waramay waxyaabihii ay isku soo qaadeen madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in kulanka lagu soo qaaday sidii loo sii wadi lahaa qorshaha lagu doonayo inuu qabsoomo markii ugu horaysay kulan baarlamaan oo ay soo xaadiraan dhammaan xubnaha baarlamaanka.

 

Waxyaabaha laga wada hadlay waxaa kamid ah in saddexda xubnood ee ugu saraysa dawladda ay isku fikrad ka qaataan arimaha dawladda sida kulanka baarlamaanka iyo isugu yeeridda xubnaha baarlamaanka ee ku kala firiqsan caalamka.

 

Xubnaha ugu saraysa dawladda oo saamayn ku leh dawladda iyo hawleeda ayaa la sheegay inay isku af garteen inay hawlaha dawladda si khilaaf la'aan ah u wadaan , waxyaabaha yar yar ee jiri karana ay tanaasulaad ka sameeyaan.

 

Arimaha ay madaxwaynaha iyo raysulwasaaruhu isla soo qaadeen waxaa kamid ah kulanka saddex geesoodka ee la filayo inuu dhawaan dhex mari doono madaxwaynaha , raysulwasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ajandayaasha looga hadlayo.

 

Waa markii ugu horaysay oo lasheego in xubnaha dawladdu isugu tagaa goob ku taalla Soomaaliya , waase haddii uu magaalada Gaalkacyo tago Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuf iyo Geedi oo shir ku yeeshay Gaalkacyo

 

Gaalkacyo:- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan khaas ah la yeeshay Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Kulankan ayaa ka dhacay Hotel Taar City oo ay maanta Qado ku wada lahaayeen mas;uuliyiinta Dowlada ee horey ugu sugnaa magaalada Gaalkacyo iyo kuwii maanta magaalada soo gaaray.

 

Raysalwasaare Geedi oo maanta asaga iyo wafdigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ayaa kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho Madaxweynaha uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin.

 

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta ku sugan goobta shirka ka dhacay ayaa sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen arrimaha la xariira sidii dowlada dar dar loo gelin lahaa.

 

Waxay sidoo kale warar hoose oo soo gaaraya HorseedNet ay tibaaxayaan in labada dhinac ay isku soo qaaden qodobo dhowr ah oo la horgeyn doono Shirka 26ka bisha ka dhacaya magaalada Baydhabo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah uu soo gaaro magaalada Gaalkacyo.

 

Shariif Xassan ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

 

Kulamadan ayaa ah kuwo horudhac u ah Kalfadhiga ka dhici doono magaalada Baydhabo oo lagu wado in ay ka qeyb galaan sadexda mas'uul ee ugu sareysa dowlada.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Has Gheedi abondoned Ethiopia? Why/What is he doing in Gaalkacyo!

 

The above questions would be asked only by some lunatic and ignorant person. The government is united in it's quest to pacify Somalia.

 

Also the parliament is due to convene in Baidao inshallah february 26th and everything is fine and well!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Wafdi Uu Hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Somalia Oo Maanta Ka Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa manta ka dagay garoonka diyaaradaha magalaada Gaalkacyo.

 

Prof. Geedi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kuso dhaweeyey kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna kuxigeenka Xasan Daahir Afqurac.

 

Wafidiga ra'iiusul wasaraha ayaa waxa loo galbiyey hotel Taar oo ku yaala duleedka dhanka waqooyi halkaasi oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Somalia Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo qaar ka tirsan labada gole ee federaalka iyo madax ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.

 

Qadadii ka dib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Xasan daahir Afquruc oo ah kusimaha Madaxweynaha Puntland oo sheegay in magaalada [Gaalkacyo] ay tahay magaalo soomaaliyeed isla markaana ay meel walba ka mari karaan.

 

Prof. Geedi ayaa isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu cudur daartay baaqashadii uu ka baaqday 4tii bishan oo shacabka reer Mudug gaar reer gaalkacyo ay ku lug go'een garoonka diyaaradaha, waxaana uu umahad celiyey sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay u dhaxayso Muqdisho, Hargaysa, Boosaaso, iyo Jig jiga oo dhamaantood ay ujirto 750km waxaana uu tibaaxay in Somalia ay u baahan tahay nabad sida lagu heli karona ay tahay in la wada hadlo waxkastaana lagu dhameeyo wada hadal magaalada Gaalkacyona ay tahay magaalo nabadeed.

 

Madaxweynaha ayaa ka codsaday dhamaan umada soomaaliyeed inay u guntadaan in dalka oo idil nabad laga wada shaqeeyo waxaana uu sheegay in 04-Juun-1993dii ay heshiis kala saxiixdeen isaga iyo Maxamed Faarax Caydiid alaha u naxariistee si buu yiri reer gaalkacyo ay ugu wada noolaadan si nabad ah markaas ka horna ay ahayd halkaasi meel aan cidi daganayn.

 

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Gaalkacyo tahay magaaladii laga bilaabay colaada dhibka badan geysatay hadana ay noqotay magaaladii nabada ugu horeeysay maadaama buu yiri isaga iyo alaha u naxariistee Jeneral Caydiid ay heshiis ku wada gaaren in si nabad ah ay shacabka reer Mudug ugu noolaadaan.

 

Madaxweynaha ayaa tiriyey in madaxdii soo martay dalka Somalia ay inta badan kasoo jeedaan gobolka Mudug kuwaasoo uu ka xusay Maxamed Siyyaad Barre, Cabdi Qaasim Salaad Xasan, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdulaahi Ciise, Daa'uud C/lle Xersi, Xuseen Kulmiye Afrax iyo isaga laftiisa.

 

Maalinta Jimcaha ayaa lagu wadaa inuu magaalada gaalkacyo soo gaaro Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aden iyo wafdi uu hogaaminayo waxaana ay ka shiri doonaan sidii ay horey ugu anaba qaadi lahaayeen qilaafka u dhaxaeyey dowlada Federaalka oo inta badan la xaliyey laguna wado in shirka baarlamaanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

 

 

geedi_gaalkacyo_2_08.jpg

 

 

geedi_gaalkacyo_1_08.jpg

 

 

geedi_gaalkacyo_3_08.jpg

 

 

geedi_gaalkacyo_4_08.jpg

 

 

geedi_gaalkacyo_5_08.jpg

 

 

afqurac.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this