Sign in to follow this  
General Duke

Bootan's broken millitias to join TFG army recruits...

Recommended Posts

Ciidamo Farabadan oo ku Hubaysan Baabuurta Loo yaqaano Tiknikada oo ka kooban 6 Horeyna uga Amar Qaadan Jiray Wasiirka Dhaqan Celinta Bootaan Ciise, oo iyagu ahaa kuwii lagu Jabiyay Dagaaladii Muqdisho ayaa U Dhaqaaqay Dhinaca Magaalada Baydhabo, Iyaga oo ku biiri Doona Ciidanka Qaranka ee Tababarku u Socdo

 

Posted to the Web Jun 03, 04:33

 

 

Ciidamo farabadan ku Hubaysan Baabuurta Loo yaqaano Tiknikada oo ka kooban 6 Horeyna uga Amar Qaadan Jiray Wasiirka Dhaqan Celinta Bootaan Ciise ayaa U Dhaqaaqay Dhinaca Magaalada Baydhabo, Iyaga oo ku biiri Doona Ciidanka Qaranka ee Tababarku u Socdo.

 

 

Ciidamadaan ayaa iyagu ahaa kuwii Maxaakimiinta Islaamku ay ku soo Jabiyeen Magaalada Muqdisho, goobta loo yaqaab suuqa xoolaha waxaana lagu qanciyay in ay si toos ah, uga mid noqdaan Ciidamada Qaranka ee iyagu ku sugan Gobolka Baay, waxayna Ciidamadi ay soo Gaareen degmada Buurhakabo, oo iyadu aan aad uga fogayn Magaalada Baydhabo.

 

 

Ciidamadaan ayaa waxaa ka hortagay Madax sare oo Dawlada ka tirsan oo uu Hogaaminayay Wasiirka Beeraha ahna kusimaha Wasiirka Arimaha Gudaha, horeyna u ahaanjiray Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Goobolada Baay iyo Bakool Kornayl Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud), waxaana Madaxdaan ka mid ahaa Saraakiil, iyo Wasiiro Dawlada ka tirsan .

 

 

Ciidamadaan ayaa la sheegay in uu ka muuqdo diif iyo Daal farabadan, waxaana loo qorsheyay in la dajiyo Xerada Manaas oo iyadu ku taal Duleedka Magaalada Baydhabo.

 

 

Waxaa Magaalada Baydhabo ka socda dadaal ku aadan sidii loo maarayn lahaa, looguna soo dhawayn lahaa Ciidamadaan soo Gaaray Gobolka ee iyagu Goostay in ay ka mid noqdaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee horey ugu sugnaa Gobolka Baay.

 

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyadii Bootaan Ciise oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

 

Baydhabo- 03.June.2006 Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyaadii Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah

 

xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada isla markaana lagu jabiyey dagaal ka dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan inay ku sii jeedaan magaalada Baydhabo.

 

Maleeshiyo fara badan oo wadata 6 gaadiidka dagaalka ah oo ah intii u hortey Bootaan Ciise oo horey ugu baxsadey dhanka magaalada Jowhar ayaa dadaal laga sameeyey magaalada Baydhabo waxay keentey in lagu qanciyey inay u soo wareegaan dhanka magaalada Baydhabo si ay ugu biiraan maleeshiyooyinka lagu tababarayo xerada Manaas ee duleedka magaalada Baydhabo.

 

War SBC ay ka heshay dad wargal ah ayaa tibaaxaya in wasiiru dawladaha Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamig ah Ibraahim Cali Max’ed oo ay isku hayb yihiin Bootaan Ciise uu ku qanciyey maleeshiyadaasi inay yimaadan magaalada Baydhabo iyadoo aqbaley.

 

Ciidamadan ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inay soo gaareen degmada Buur-Hakaba waxaana goor dhaweyd ka ambabaxay magaalada Baydhabo wasiiro iyo xubno kale oo la doonayo inay soo galbiyaan maleeshiyadaas, waxaana xubnahaas ka mid ah wasiirka Beeraha ahna ku simaha wasiirka arimaha gudaha Col.Xasan Max’ed Nuur (Shaati-Guud), wasiiru dawladaha Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamig ah Ibraahim Cali Max’ed iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Jen.Cali Max’ed Xasan (Cali Madoobe).

 

C/laahi Saomaali

SBC Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^
This is a very posative step. Other warlord millitias could easily be incorporated into the recruits.

Dude, did you just reply to yourself? Seriously...

 

Xaaraan-ku-Naax didn't want to come to Baydhabo when he was the Boss in parts of Mogadishu. The day he's empty-handed he decides to seek refuge?

 

I would suggest the TFG detain this war criminal [bootaan Ciise] but, sadly, the TFG is full of war criminals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. I did respond to the cut and paste news posts. From the news it is the millitia of Booaan and not the man himself who went to Baidoa. Like you I belive the warlords have no use since they can not even lord it over war.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Like you I belive the warlords have no use since they can not even lord it over war.

Basically they have outlived their usefullnes? I agree sxb, I agree.

 

Ragaan waaba ma xishoodayaal damiirlaawayaal ah. Intaas baa fadhiga dawlada loogu yeerahaye, fadhiga qaranka loogu yeerahaye, fadhiga xukuumada loogu yeerahaye, intaas kibir iyo isla-weyni baa u diidaysay. Haatan, marki lasoo sifeeyene cagahay wax ka dayeen dhinaca kal-fadhigu baarlamaanka. Haka saarto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this