Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Frazer Tells Yey to Resign or Else .....

Recommended Posts

Kadib markii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka [Africa] ay garoonka diyaaradaha Nairobi [Jomo Kenyate] kula kulantey Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaare Nur Cadde ayaa waxaa ka soo baxaya waxyabihii looga hadlay wadaxaajoodkaas xogo kala duwan.

 

Wararkan ayaa shegaya in u qaybsanaha arimaha Africa Xoghayaha arrimaha dibada dowlada Mareykanka hordhigtey Madaxweynaha Somalia sadex qodob kuwaasoo sababi kara in Cabdulahi Yusuf xilka Madaxweynaha Somalia isaga dago hadii uusan aqbalin.

 

Qodobka ugu muhiimsan ee la hordhigey Madaxweynaha ayaa tibaaxaya in ay Jendaye Frazer ka dalbatey inuu la shaqeeyo Xukumada Nur Cadde islamarkana aqbalo hesiiskii Jabuti.

 

Xogahaan ayaa intaas ku daraya in Ms.Frazer xustey in hadii Mr. Yusuf aqabli waayo qodobadan ay dowlada Mareykanka tageeri doonto go'aankii dowladaha IGAD cunaqabateynta ku saarayeen Madaxa DFKMG ah.

 

Lama oga jawaabta Madaxweyne Yusuf ka baxshay qodobadaan la hordhigey balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diidey in Xukuumada Nuur Cadde la shaqeyey islamarkaana dalbadey in magaalada Baydhabo kula soo tashado tageerayaashiisa.

 

Madaxweynaha DFKMG ah oo ku soo wajahan magaalada Baydhabo ayaa warar warsidaha Garowe Online heley ayaa sheegaya in qodobadaan la hordhigey Cabdulahi Yusuf uu xaley iyo maanta la tashiyo kala leeyahay dad isaga si aad ah ugu dhow isaga oo dhinaca kale khadka taleefanka kula soo hadlay Madaxweynaha Puntland Cadde Muse.

 

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this