Sign in to follow this  
Juje

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo isaga baxay Isbahaysiga

Recommended Posts

Juje   

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo isaga baxay Isbahaysiga Dib-u-xorreynta Dalka Somalia, kadib, markii uu Hoggaanka Sare ee Isbahaysigaasi soo kala dhex galay Khilaaf dhinaca dhaqaalaha

 

Muqdisho Sabti Febrayo 23 2008 SMC

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa lagu soo waramay inuu isaga baxay Isbahaysigaasi, kadib, markii uu Madaxda Sare ee Isbahaysigaasi soo kala dhex galay Khilaaf dhinaca Dhaqaalaha ah.

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow-dhow Mas’uuliyiinta Sarsare ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta Somalia, ayaa waxay shaaca ka qaadeen inuu Khilaaf xooggan soo dhex galay Hoggaanka Sare ee Isbahaysigaasi oo sannadkii hore lagu soo yegleelay Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara.

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa la sheegay inuu dood ka keenay inta ay le’eg tahay Dhaqaalaha ay Dowladaha Caalamka ugu soo tabaruceen Isbahaysigaasi oo ah Isbahaysiga ugu tunka weyn ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federalka iyo Joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

 

Is-casilaaadda Shariif Xasan oo mar ahaan jirey Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federalka Somalia, ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysigaasi, Sheekh Shariif Sheekh Axmed booqasho ku marayaan dalal Carbeed, iyagoo Madaxda Dowladahaasi u gudbiyey Mowqifka Isbahaysiga ee ku aadan Qaddiyadda Somalia, gaarDib-u-heshiisiinta

 

Mar aan isku daynay inaan la xiriirnno Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Dib-u-soo-nooleynta Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, wey inoo suurto-geli weyday inaan wax ka weydiino Go’aanka uu kaga baxay Isbahaysigaasi.

 

Ka bixitaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ee Isbahaysiga Asmara, ayaa waxa uu dhabar-jab siyaasadeed u keeni karaa Midnimadda Isbahaysigaasi oo ay ku baahoobeen xubno Xildhibaanno ka ahaan jirey Barlamaanka Federalka, Golihii Maxkamadaha Islaamka, Siyaasiyiin hore, Qurbo-joogayaal, xubno ka tirsanaa Ururradda Bulshadda Rayidka iyo Odayaal-dhaqameedyo kale.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa la sheegay inuu dood ka keenay inta ay le’eg tahay Dhaqaalaha ay Dowladaha Caalamka ugu soo tabaruceen.

Wixii hore oo dhan waa deeqi waayeen :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this