Sign in to follow this  
Xudeedi

Poem: We Appose Regarding The Galgala War Declaration; By Cumar Sanaag

Recommended Posts

Xudeedi   

“Doonimaayo” waa gabay cusub oo Ka Hadlaya Shaqaaqada Galgala Ka Taagan

 

Abwaan Cumar M. Gurey Dirir oo ku magac-dheer Cumar Sanaag ayaa gabaygan ka tiriyey xaaladaha colaadeed ee ka taagan gobolada Haylaan iyo Bari isaga oo ku boorinaya bulshada ku dhaqan deegaanadaa iney nabada dhawraan iyadoo aan wax la dhaafsadaa jirin, una sheegaya bahda Soomaaliyeed iney tahay dood furan.

Doonimeyn inaan gabay diroo deelka ka higaadsho.

Hayeeshee dantaa igu dirqiday inaan daruuraaye.

Maskaxdaydu wexey diidey iyo dulucda aan sheegi.

Dadka colaada doon doonayana hal’aan dareensiiyo.

Ninkii raba dagaal lagu dumana waan u digayaaye.

Daacad nimo nimaan ila dalbeyn dalka ha iidaayo.

Darxumo doonimaayiyo dagaal lagu dufoobaaye.

Danta hadaan lawada raadineyn rays la-helimaayo.

Dagaalkaa hadii aan ladamin dabka la oogaayo.

Oo deris walaala ah lanoqon waa ladumayaaye.

Ninkii duuda dacalkaa kadegey oo dab qabadsiiyey.

Oo derin intuu duudka dhigay daanka kala jiidey.

Damiirkiisa muugelin dabkani wuu durka hayaaye.

markuu deriska dilo buu adiga kugu danbaysiine.

Duli loomayeertiyo inaad dibinta ruugtaaye.

Dakanadu mafiicniyo inuu dadku coloobaaye.

 

Waa kala durkaayaa dhulkii daaqsinka ahaaye.

Waxaad kala direysaa ragaad doorka ku ahayde.

Haduu deyrku dumo sow dabayl ina duqaynmayso.

Afartaa sidii daad rogmadey maysu daba joojey.

Maka digey inaad duli gashaan daa’in abidkiina.

Dawladii Putland oo doraad duqu uu daan duunshey (Cadde Muuse).

Digtoorkaan lahaa baa daweyn daqaradii gaarey(Faroole).

Dal shisheeye qofkii soo arkoo nabad ku soo daaley.

 

Dawladii markii uu hantiyey wan kudiirsadaye.

Dib u celi ciyaalkaan lahaa cadawgu doonaayo.

Dugsiyada quraan kaan lahaa haka dudurtaane.

Aniguna ku daanshoo isiri nabadu waa daade.

Dibadaha dalxiis kuugu iman nafta madeeqsiiyey.

Ha yeeshee dab buu keenay iyo umad la duugaayo.

Wexey dulun dulcaysaba hadey nabadii dandaantay.

Afka nimanka soo duubtay oo duqeyda laynaaya.

Waa niman awood daagsaday oon cidina dareemayne.

 

Dadkii bey dhuraan uu Amxaar shilin u dhiibaaye.

Danba anoon ka gelin doolar iyo wuxuu duunyo guranaayo.

Xabsiyada inuu igu daldalo denbi sidaan geystey.

Dulqaad kaygu waa badan yahee odayga aan daayey.

Doqon inuu imoodoo dulmiga igula soo duulo.

Oo maanta hadal diido oo ciidan idulkeento.

Hadii fooda laysdaro halkaa haadku dalaqleeyo,

Dugaaguna uu hilib kadayo diricyadiiniiye.

Meeldheer hadii aadan deyin oo indhaha diirka kacadaynin.

Dimacad iyo waxaad dalaq dhahdaa bohola duugoobey.

 

Inaad daqaradii Cadde ku dhacay daba gucleyneyso.

Ama dahabka buuraha ku jira damacday laab taadu.

Dhaqankii *****ga ma u ahayn waxaad dhureysaaye.

Doodiina waan soo xiroo waxaan ku soo duubay.

Duqeydii Sanaag iyo Karkaar hal aan dareensiiyo.

Idinkaa ku caan baxay dagaal laga horduulaaye.

Idinkaa daweyn jirey wixii doqona oo liita.

Idinkaa dabkii soo unkama horey ka duugaaya.

Dalka dawlad idinkaa u ahaa la dugsanaayaaye.

Ku dabaala nabad iyo wanaag lagu dur-duurtaaye.

 

Gabaygan ninkii faalo iyo dood ka qaba hala xidhiidho abwaan Cumar-sanaag oo cinwaankiisu yahay omarmm@hotmail.co.uk.

 

Maakhir Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dadkii bey dhuraan uu Amxaar shilin u dhiibaaye.

Danba anoon ka gelin doolar iyo wuxuu duunyo guranaayo.

Xabsiyada inuu igu daldalo denbi sidaan geystey.

Dulqaad kaygu waa badan yahee odayga aan daayey.

Doqon inuu imoodoo dulmiga igula soo duulo.

Oo maanta hadal diido oo ciidan idulkeento.

Hadii fooda laysdaro halkaa haadku dalaqleeyo,

Dugaaguna uu hilib kadayo diricyadiiniiye.

Meeldheer hadii aadan deyin oo indhaha diirka kacadaynin.

Dimacad iyo waxaad dalaq dhahdaa bohola duugoobey.

The author points to the PIS and the administration hunger for foreign aid at the expense of locals.

 

Great Poem

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dawladii markii uu hantiyey wan kudiirsadaye.

Dib u celi ciyaalkaan lahaa cadawgu doonaayo.

Dugsiyada quraan kaan lahaa haka dudurtaane.

Aniguna ku daanshoo isiri nabadu waa daade.

Dibadaha dalxiis kuugu iman nafta madeeqsiiyey.

Ha yeeshee dab buu keenay iyo umad la duugaayo.

Wexey dulun dulcaysaba hadey nabadii dandaantay.

Afka nimanka soo duubtay oo duqeyda laynaaya.

Waa niman awood daagsaday oon cidina dareemayne.

We were hopeful with the transition of power, despite high expectations, Faroole surpassed Cadde's incompetence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this