Sign in to follow this  
Qudhac

ceerigabo Somaliland fight against the virus of piracy continues

Recommended Posts

Qudhac   

Xeebaha Somaliland Oo Dhamaantood laga nadiifiyay Budhcadbadeeda

 

Koox budhcad badeed oo ka kooban 7 nin wateyna hal laash ayaa waxa maalintii axadda (shalayto) ciidammada ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag ku qabteen degaan-xeebeedka u dhexeeya degmada Maydh iyo degmadda Laasasurad ee gobolka Sanaag.

 

"Nimankani waa toddoba nin oo budhcad-badeed ah waxayna wateen hal laash oo bed qaba, haseyeeshee hubkoodii badda ayay ku daadiyeen taasoo aannu u malaynayno maraakiibta iyo diyaaradaha ciidammada caalammiga ah ee badda ilaalinaya in ay arkeen kana soo baqdeen". Sidaas waxa yidhi Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Maxamuud. Isagoo intaas kusii daray "Shan ka mid ah budhcad-badeeddan oo aannu ku qabannay goobta laashku yaalley iyo laashkii waxannu geyney Maydh, labada kale oo aannu ku qabannay Laasasurad iyagana halkaas ayaannu caawa geyn doonnaa". Ma cadda budhcad-badeeddan marka laysugu geeyo Maydh halka looga sii qaadi doono, isagoo taliyuhu taas ka jawaabayana wuxu yidhi "Kolleyba markan hore Maydh ayaannu dhammaantood geynaynaa xagga sarena war baannu ka sugaynaa".

 

Wararka qaarkood aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxdan budhcad-badeedka ah halkaas(Maydh) looga sii qaadi doono magaalada Berbera oo kiiskoodana lagu qaadi doono, halka wararka qaarkoodna sheegayaan in loo qaadi doono magaalada Ceerigaabo oo qaar horena ku xidhan yihiin.

 

Sikastaba ha ahaatee qab-qabashada budhcad-badeedda soo hunguraysa in ay gaadiid ka afduubtaan xeebaha iyo badda Somaliland ayaa ah kuwo markastaba jab iyo halaag kala kulma halkaas, kuna danbeeya xabsi dheer iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this