Sign in to follow this  
Suldaanka

Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar visiting North America

Recommended Posts

Booqashadii Suldaan Cusmaan Suldaan Cali ee Ottawa Canada

 

Waxa boqasho isbuucan ku yimi magaalo madaxda dalkan Canada ee Ottawa mid ka mid ah salaadiinta reer Somaliland Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar.

 

Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa safiirkiisu salka ku hayaa u kuur gelida marxalada guud ee qurba jooga reer Somaliland iyo weliba ka xogsiinta xaalada dhaqan dhaqaale ee dalkoodii hooyo.

 

Hadaba Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa maliintii axada ee tariikhduna aheyd may 1 2005 waxa uu kula hadlay jaaliyada reer Somaliland gole weyn oo ku yaala magaaladan Ottawa, kulanka waxa ka sooqeyb galay mujtamac ka kooban aqoonyahano indheer garad, culumaaudiin rag dumar waayeel iyo caruur.

 

Waxa furitaankii kulanka aayado quraan Ah iyo wacdi diiniya oo aad loogu qushuucay halkaa ka soo jeediyay sheikh cabdirashiid Mohamed,intaa kadib waxaa hadalkii qaatay Cusman Sheikh Dalmar oo ahaa xidhiidhiyaha xaflada, Cismaan Sheik Dalmar waxa uu si aad u qurux badan uga waramay tariiqda saldanada iyo ujeedoyinka Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar uu halkan u yimi. Intaa kadib waxa Cusmaan sheikh Dalmar ku soo dhaweeyay codbaahiyaha Suldaan Cusmaan Suldaan Cali.

 

Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa waxa uu ugu dulmaray mujtamicii halkaa isugu yimi taarkhdii dheereed ee jamhuriyada Somaliland ay soo martay, hadey tahay halgan kii dheeraa ay la gashay gumeytihii ingriiska iyo kii u danbeeyay ee ay la gashay xukuumadii dhexe ee jamhuuriyadii la isku oran jiray Somalia, iyo ta xiligan taagan ay ku jirto ee habsami u socdka dimuquraadiyada iyo xal u helida arinta murgsan ee bariga Somaliland ee laascanood, iyo himilooyinka ay mustaqbalka higsaneyso jamhuuriyada Somaliland.

 

Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa waxa kale oo uu dadkii halkaa isugu yimi ku adkeeyay muhimada ay leedahay in aanay ka tegin dhaqankooda iyo diintooda Isalaamka, oo aaneyna marnaba iloobin wadankii iyo dadkii ay ka yimaadeen, balse u raaciyay taa micneheedu in aaney aheyn in ay ka dhacaan nolosha wadankan ay ku nool yihiin.

 

Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa xog warankiisii dabadeed waxa uu suaalo uga jawaabay shacabkii halkaa isgu yimi oo aad ugu qushuucay macluumaadkii ay halkaa kal hoydeen.

 

DR. Maxamud Tani oo ku hadlaya magaca jahliyada Somaliland ee Ottawa ayaa isaguna qudbad soo dhawayn iyo mahadnaq isugu jirta oo aad dadka uga qoslisay ku soo dhaweeyay Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Dr tani waxa u sheegay in Salaadinta Somaliland yihiin saldhiga geedi socodka nabada iyo isu soo dhawaynta ummada.

 

Dr. Tani waxa uu sheegay Suldaan Cusmaan Suldaan Cali ay taarikhda u gashay inuu noqdo suldaankii u horeeya ee isu soo mara Yurub ilaa America sii uu ugu kuur galo nolasha iyo waayaha jaaliyadaha somaliland ee debedaha ku nool kuna xidho dalakoodi hooyo.

 

Dr. Tani waxa uu sheegay in sidaas oo kale looga bahan Salaadiinta kale ee reer Somaliland.

 

Suldaan Cusmaan Suldaan Cali ayaa ugu danbeyntii ku gacan qaaday dadkii halkaa isugu yimi deetana mahad balaaran uga soo jeediyay halkaa ka sooqeyb gelayaashii iyo isu soo duweyaashii kulankaa balaaran, kuna booriyay in ay xoojiyaan iska warheyntooda.

 

Suldaan Cusmaan ayaa markii ay u dhamaatay booqashadisii caasimada Canada ee Ottawa ka dib u sii gudbay isaga iyo waftii baladhaan oo sii gelbiyay dhankaa iyo magaalada Toronto ee isla dalkan Canada.

 

Warbixintan oo ay si wada jir ah usoo diyaariyeen Ibrahin Kahin Ahmed iyo C/qaadir Xuseen waxay iyagoo ku hadlaaya magaca Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar mahad aan lo soo koobi karin u soo jeedinayaan gudidii ka koobnaa odayaasha iyo Haweeka ee sida hagarlaanta ah isagu taxalujisay ka midha dhalinta xafladan.

 

Ibrahim Kahin iyo C/qaadir Xuseen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sky:

who is this guy, who does he represent specifically?

LOL

"who does he represent specifically"

 

In otherwords, you are asking waa ayo qolodiisu :D

 

Somalidu waa cajiib walaahi. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

what a cheap shot. hes portrayed here as a moviestar. i wanted to find out, why its so interesting that this unknown figure is visiting north america? look at the chair they make him sit.

 

thank you soo maal. that was the info i seeked for.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sky:

what a cheap shot. hes portrayed here as a moviestar. i wanted to find out, why its so interesting that this unknown figure is visiting north america? look at the chair they make him sit.

:D

 

waa qoloma was the first thing that came to mind isn't it? admit it :D

 

From what I am hearing, he is the "suldaanka guud ee beesha Ceerigaabo".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Kursiguu ku fadhiyo dahab miyaa? And I thought Somalis were too proud to let a man among them be seated like that! Learning a new thing everyday lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this