Deeq A. Posted January 27, 2023 Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay xerada qaxootiga ee Jenin ku dileen sagaal falastiiniyiin ah oo ay ku jirtay haweeney da’ ah. Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Qaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in ay dhaceen 15 weerar saacadihii hore ee maanta. Goob joogayaal iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay laba gantaal ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza,kadib diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyay afar qarax oo waaweyn. Weerarada Israa’iil ayaa daba socday ka dib markii laba gantaal lagu soo riday dhinaca Gaza saqdii dhexe ee xalay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo weerar dhanka cirka ah ku qaaday marinka Gaza appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites