Sign in to follow this  
Deeq A.

Bilal al-Sudani oo lagu dilay howlgal dhulka ah oo ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
US_Albania_Austin_23026601632322-scaled.

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya iyo 10 argagixiso oo kale, kadib howlgal ka dhacay waqooyiga Soomaaliya.

Howlgalkan oo dhacay Arbacadii ayaa lagu beegsaday Bilal al-Sudani, oo u dhashay dalka Sudan islamarkaana kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah. 

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo bayaan soo saaray.

Madaxweyne Joe Biden ayaa toddobaadkii tegay lagu wargeliyey qorshaha howlgalkan oo yimid kadib bilo la diyaarinayey. Waxa uu ansixintii ugu dambeysay ee howlgalka bixiyey toddobaadkan kadib markii ay ku taliyeen Austin iyo madaxa ciidamada Mareykanka Gen. Mark Milley. 

Al-Sudani, oo sanado badan ay isha ku hayeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka, ayaa door muhiim ah ka qaatay maalgelinta howlgallada Daacish ee Afrika iyo sidoo kale laanta Daacish ee Afghanistan ee ISIS-K, ayuu Austin yiri.

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sannadkii hore tuhuntay in Al-Sudani uu si dhow ula shaqeeyay sarkaal kale oo ka tirsan Daacish, Abdella Hussein Abadigga, kaasi oo dhallinyaro ka qoray Koonfur Afrika una diray xero lagu tababaro. 

Abadigga, oo maamuli jiray laba masaajid oo ku yaalla Koonfur Afrika, ayaa xilkaas u adeegsaday inuu lacago baad ah ka qaato xubnaha masaajidda. 

Al-Sudani waxa uu u arkay Abadigga taageere la aamini karo oo ka caawin kara taageerayaasha Daacish ee Koonfur Afrika in ay noqdaan kuwo si wanaagsan u abaabulan oo ay xubno cusub qortaan, sida ay sheegtay Waaxda Maaliyadda.

Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed. 

Wuxuu ka caawiyay dagaalyahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay howlgalka, sida ay sheegeen saraakiisha Pentagon-ka. Mid ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku lugta lahaa howlgalka ayaa waxaa qaniinay Ey militari, balse ma uusan soo gaarin dhaawac halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani. 

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay markii hore damceen inay qabtaan Al-Sudani balse taasi ma aysan noqon “suurta-gal” intii uu howlgalka socday.

The post Bilal al-Sudani oo lagu dilay howlgal dhulka ah oo ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this