Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda Xasan Sheekh iyo Saciid DENI oo kasii dartay – Maxaa maanta dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Deni.jpeg?fit=2048%2C1347&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa, xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kadib markii ay magacaabeen taliyaha cusub ee Ciidamada Booliiska.

Golaha ayaa xilkan u magacaabay General Sulub Axmed Firin oo horey u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, sidoo kalena kasoo jeedo dhanka Jubbaland.

Arrinta sii hurineysa xiisadda ka dhexeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni ayaa ah in ninkii labaad oo Jubbaland kasoo jeeda maanta xil sare looga magacaabay dowladda federaalka, ayada ay xusid mudan tahay in Puntland ay horay uga biyo diiday magacaabista Ra’iisul wasaare Xamza oo isna kasoo jeedo dhanka Jubbaland.

Tani ayaa sidoo kale muujineyso in fursadaha ugu badan uu madaxweynuhu siiyay Jubbaland, oo mar xulafo dhow la heyd Puntland, walow haatan ay kala tageen.

Tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday madaxwenaha Soomaaliya oo aheyd magacaabista ra’iisul wasaaraha, ka gadaal dib u doorshadiisii 15-kii May ee sanadkii hore ayaa xudun u noqotay in uu Deni ka baxo xeyndaabkiisa, isla-markaana uu galo difaac siyaasadeed.

Deni ayaa wixii markaas ka dambeeyey caro kala dul dhacay dowladda federaalka, isaga oo lasoo baxay dhaqan siyaasadeed u muuqda dagaal toos ah. Dowladda ayaa kadib xilal dhowr ah balse aan weyneyn siisay Puntland.

Si kastaba, dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysnaa in waxa kaliya ee Deni qanci kara ay aheyd xilka ra’iisul wasaaraha ama jago kale oo weyn. Xilka taliyaha booliska ayaa noqon kara mid ka mid ah xilalkaas weyn.

Si kastaba, go’aankii golaha wasiirada ee ayaa muujinaya in Xasan Sheekh uu albaabada ka xirtay madaxweyne Deni oo doorashadii u dambeysay ay isla soo gaareen wareeggii labaad, kadibna uu Deni uu taageeray, si loo jebiyo Farmaajo oo laga adkaaday.

Dhankiisa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan qaaday tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku dhawaaqay in Puntland ay u dhaqmeyso, sida dowlad madax bannaan oo kale, inta laga helayo Dastuur rasmi ah.

Go’aankaas oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa loo sababeeyay in uu salka ku hayo khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha oo ay isku hayaan maamulka sare sare ee dalka, kadib markii uu Deni waayey xilka ra’iisul wasaaraha, oo uu sidaas uga furtay Xasan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa hadal heyn ay ka dhalatay magacaabista taliyaha cusub, maadaama uu yahay ninkii labaad ee kasoo jeeda Jubbaland, isla-markaana xil sare ka qabta dowladda dhexe, halka ay weli ka qadsan tahay Puntland, marka laga reebo ku xigeenanada labada Aqal ee baarlamaanka oo ay ku heshay doorasho.

The post Xiisadda Xasan Sheekh iyo Saciid DENI oo kasii dartay – Maxaa maanta dhacay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this