Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii culimada

Recommended Posts

Deeq A.   
culimada-1-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo laga soo saaray go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay culimada ku qeexeen “Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay “Shahiid”. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka kasoo baxay shirka culimada.

WARMURTIYEEDKA SHIRWEYNAHA CULIMADA SOOMAALIYEED 

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa waxaa si rasmi ah u furay 23 Jannaayo 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo shirka ka jeediyay khudbad faahfaahsan oo uu kaga hadlay arrimaha diinta iyo Dawladda iyo dagaalka ay dowladiisu oo shacabka garabsaneysa ay kula jirto Khawaarijta Alshabaab isaga oo hoosta ka xariiqay sidii diinteenna suubBan looga ilaalin lahaa xadgudubyada ku dhisan aragtiyo gurracan iyo fasiraado aan meelna kasoo gelin diinta Islaamka. 

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxaa taabbagelisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee X.F.S. oo fulinaysay ballanqaadka siyaasadeed iyo aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka fikirka Khawaarijta ee kooxaha Argagixisada isaga oo uu madaxweynuhu ka dalbaday Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo mideysan in ay caddeeyaan waxa diinta Islaamku ka qabto Khawaarijta iyo fikirkooda huwan magaca diinta Islaamka. 

Shirka waxaa ka soo qeybgalay Culimada Soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha dunida, caasimadda Muqdisho, iyo gobollada Dalka iyaga oo si mas’uuliyada ku dheehan tahay uga soo jawaabay casumaad rasmi ah ee ay u dirtay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee X.F.S. 

Shirweynaha culimada waxa u ku saabsanaa ujeedooyin waaweyn: 

  1. In kooxaha khawaarijta oo ay ugu horreeyaan Khawaarijta Alshabaab iyo Daacish aysan lahayn wax sharciyad diineed ah iyada oo la burinayo fasiraadaha gurracan ee aan salka laheyn diinteena Islaamka;
  2. Sharciyad-siinta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka jihaadka ah ee ay kula jirto Khawaarijta Alshabaab iyo Daacish kuwaas cadow ku ah diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  3. Cadeynta in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka diinta Islaamka;
  4. Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed :

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu soo gebogebooyey maanta oo ay taariikhdu tahay 26 Jannaayo 2023 iyaga oo soo saaray qoddobada hoos ku qoran: 

Mahadnaq iyo Duco 

  1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu uga mahadcelinayaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumada DAN QARAN oo fulineysa ballanqaadkii siyaasadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, abaabulka iyo taabbagelinta shirkan qiimaha badan oo martigeliyay qeybaha kala duwan ee Culimada Soomaaliyeed oo kala yimid daafaha dunida, Caasimadda Muqdisho, iyo dhammaan gobollada Dalka.
  2. Shirweynaha wuxuu si gaar ah ugu duceeyay culimadii la laayay 23 Jannaayo 1975 isaga oo aad uga xun in Dawladdii xilligaas joogtay ay ku dhiirratay tallaabo abuurtay kalsooni-darro iyo kala shaki soo kala dhexgalay Dawladda iyo Culimada. Shirku isaga oo xusaya shuhadadaasi wuxuu qabsan doonaa shir sannadeedka Culimada Soomaaliyeed maalinta 23 Jannaayo ee sannad kasta. 

Cambaareyn 

1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu erayada ugu adag ku cambaareynaa falkii foosha xumaa ee uu nin xagjir ah ku gubay 21kii Jannayo 2023 meel fagaaro ah ee magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah iyada oo booliska dalkaasi goobjoog yihiin. 

Bogaadin 

  1. Shirweynaha wuxuu ku bogaadinayaa Madaxweynaha J.F.S. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee la yimaada aragti bisil oo dib u heshiisiinaya Dawladda, Diinta iyo Culimada isaga oo ka tacsiyeeyay dhacdadii xanuunka badneyd ee lagu laalay culimada 23 Jannaayo 1975.
  2. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqayaa in uu gebi ahaanba uu meesha ka baxay shakigii iyo kalsooni-darradii kala dhex taallay Dawladda, Diinta iyo Culimada shirkaan ka hor.
  3. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dadaalka uu geliyay la dagaallanka Khawaarijta (Alshabaab iyo Daacish) wuxuuna ku adkeynayaa Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay.

Go’aannada Shirweynaha: 

Shirweynaha wuxuu isku raacay ujeeddooyinkii shirka ka dib markii uu yeeshay doodo iyo aragti wadaag mirodhalay oo dib loogu milicsaday axkaamta iyo mabaadii’da diinta Islaamka iyo ujeeddooyinkeeda waaweyn, qoddobada soo socda; 

1. Shirweynaha ayaa isla qaatay in Culimada Soomaaliyeed ay si walaaltinimo & isku duubni ah ugu adeegi doonaan diinta & Ummadda, arrimaha la isku khilaafsan yahayna loo xallinayo si cilmi & caddaalad ah.

2. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Alshabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

3. Shirweynaha wuxuu isku raacay in aysan bannaaneyn in la faafiyo afkaartooda gurracan ee kooxaha kor ku xusan waana xaaraan in lagu taageero xoog, xoolo ama xog ama cod midna.

4. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mideysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Alshabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay:

ُطوبى ِل َم ْن قَتَلَھم وقَتَلوه

5. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinteennu na fartay:

6. Shirweynaha wuxuu ku isku raacay in qofkii la wadaaga Dawladda xogta Khawaarijta uu ajar uga helayo Alle agtiisa maadaama uu ka qeybqaatay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

7. Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah.

8. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka ambaqaadaya in diintu ay tahay arrin si isku mid ah u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu caddeynayaa in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka isla markaasna waxaan isku raacnay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta. 

9. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed oo noqonaya weelkii lagu ilaalin lahaa diinta isla markaasna ka mid noqonaya Goleyaasha Dawladda una madaxbannaan gudashada waajibaadka iyo hawlaha loo igmaday.

10. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqay in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacab sunni ah marka laga reebo kooxaha khawaarijta ah iyo kuwa la midka ah (Alshabaab, Daacish, Shiico, iyo kuwa Ummadda si guud u gaaleysiiya) kuwaas oo aan la oggoleyn in fikirkooda lagu faafiyo gayiga Soomaaliyeed.

11. Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonaya mad-habka Shaaficiga kaas oo Culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo madaahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado. 

12. Shirweynaha, isaga oo ka duulaya in Ummadda Soomaaliyeed ay af, dhaqan, diinba ka mideysan yihiin, ayuu xoojinayaa in Islaamka ay Ummadda Soomaaliyeed ku dhaqanto uu mid yahay iyada oo magacyada kala duwan yahay ee Culimadu isku aqoonsadaan ay yihiin sida magacyada uu waalidku ula baxo ilmihiisa isla markaasna wixii lagu kala aragti duwan yahay la isku ixtiraamayo loogana doodi karo si cilmiyeysan oo aan midnimada waxba u dhibeynin. 

13. Shirweynaha, isaga oo dareensan in dawlad-dhiska Dalka uu ragaadiyay khilaaf siyaasadeed, ayuu Madaxweynaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeynayaa in uu xil gaar iska saaro dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo dib-u-eegistiisu ay qaadatay muddo aad u dheer maadaama xasiloonnida siyaasadeedee Dalka ay ku xiran tahay dastuur dhammeystiran. 

14. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Culimada Soomaaliyeed ay sannad kasta yeeshaan shir sannadeed looga arrinsanayo arrimaha diinta ee Dalka. 

Baaqa Dawladda 

1. Shirweynaha, isaga oo xeerinaya baahida loo qabo dardargelinta arrimaha diinta iyo awqaafta, wuxuu ugu baaqayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay kordhiso miisaaniyadda arrimaha diinta iyo awqaafta si loo taabbageliyo arrimaha hortebinta u leh dhowrista iyo daryeelka Diinta Islaamka.

2. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay kusoo kordhiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kulliyad u gaar ah barashada culuumta Shareecada Islaamka si loo xaqiijiyo cilmibaarisyo la jaanqaadi kara dowladnimada casriga ah.

3. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in dib-u-eegis lagu sameeyo manhajka waxbarashada Dalka iyada oo lagu kordhiyo qeybo lagu xoojinaya fahamka dawladnimada lagana saarayo fahamka iyo fasiraadda qalloocan.

4. Shirweynaha wuxuu kula dardaamayaa Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay isku kaashadaan wanaagga iyo faafinta dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka.

5. Shirweynaha wuxuu kula dardarmaayaa dowlada in ay hagaajiso garsoorka Dalka iyada oo xoojineysa la dagaallanka anshax xumada, maandooriyaha iyo dembiyada lidka ku ah haweenka iyo carruurta.

6. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in warfaafinta Dawladda ay kaalin mug leh laga siiyo barnaamijyada ay Culimadu ugu gudbinayaan shacabka fahamka toosasn ee diinta iyo ku dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka.

7. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in ay dib u soo nooleyso afka Carabiga oo ah luqadda labaad ee Dalka iyada oo xoojineysa kaalinteeda waxbarashada Dalka iyo isticmaalka rasmiga ah ee xafiisyada Dawladda.

8. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in ay u dhaqaaqdo diyaarinta hannaankii lagu dhisi lahaa Hay’adda Awqaafta iyo Hay’adda Zakada Soomaaliyeed kuwaas oo fududeynaya in dib loo soo nooleeyo nidaamkii ay bushada muslimka isku caawin jirtay laguna hirgelin jiray mashaariic badan oo horumarineed.

Baaqa Siyaasiyiinta 

  1. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa siyaasiyiinta in la wada ilaaliyo xalisoonnida Dalka iyo midnimada iyada meel looga soo wada jeesanayo laguna gacansiinayo Dawladda dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah.
  2. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa siyaasi kasta oo Ummadda xil u haya ama doonaya in uu xil u qabto in uu Alle uga baqo xilkaasi isaga oo shacabka ugu adeegaya si daacad ah oo Alle ka cabsi ku dheehan yahay. 

Baaqa Ciidamada Qalabka Sida 

  1. Shirweynaha wuxuu ku boorrinayaa Ciidamada Qalabka Sida in ay sii labalaabaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka jihaadka ah ee Ummadda lagu badbaadinayo iyaga oo aaminsan in ay yihiin kuwa ku taagan wadda xaqa ah oo haddii ay ku dhintaan ay noqonayaan shahiid dadkiisa iyo diintiisa awgeed u waayey naftiisa.
  2. Shirweynaha wuxuu ku boorrinayaa Ciidamada Qalabka Sida in ay salaadda iyo Alle ku xirnaanta u kaashadaan dagaalka xaqa ah ee ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah iyaga oo salaadda iyo cibaadada kale ku ilaalinaya waqtiga uu Alle waajibiyay.
  3. Shirweynaha wuxuu xusiisinayaa Ciidamada Qalabka Sida in ay u dhaarteen ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed waxaana waajib ku ah in ay waajibaadkooda gutaan iyaga oo u turaya dadka shacabka ah isla markaasna ilaalinaya xuquuqda iyo karaamada ay leeyihiin.

Baaqa Ganacsatada Soomaaliyeed 

1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay Dawladda ku gacansiiyaan gudashada waajibaadkeeda Qaranka iyaga oo gudanaya waajibaadka ay Dawladdu ka rabto kuna kaalmeeyaan dhaqaale marka ay uga soo baahato. 

Baaqa Shacabka 

1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku boorrinayaa Ummadda Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhammaan dhaqamada xun sida anshax xumada, maandooriyaasha, qabyaaladda, takoorka, isxaqiraada, haybsooca iyo colaadaha beeleysan IWM.

2. Shirweynaha wuxuu ku boorrinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyaga oo ku gacansiinaya Dawladdooda sidii Dalka oo dhan looga xoreyn lahaa kooxaha Khawaarijta ah.

3. Shirweynaha wuxuu ku waaninayaa muwaadiniinta ay ugu horreeyaan dhallinyarada iyo siyaasiyiinta shacab ah ee isticmaala Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook, TikTok iyo kuwa la mid ah in ay ilaaliyaan anshaxa guud ee Islaamka kana fogaadaan aflagaadda, cayda, been-abuurka, sumcad-dilka, baahinta sawirada iyo muuqaallada qaawan ama la been-abuuray iyo waxyaabaha kale ee aysan oggoleyn diinta Islaamka iyaga oo ku raadinaya soo- jiidashada dadka, baad lacag looga doonayo siyaasiyiinta ama ganacsatada, ama shakhsiyaad kale oo magac leh.

Gebogebo 

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku baaqayaa in dhammaan Alle loo wada noqdo Dalkana Alle loo baryo. Hala badiyo baryada Ilaahay hana lagu wada dadaalo in uu Alle nooga dhigo Dalka mid xasilloon oo barwaaqo ah.
WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM WARMURTIYEEDKA-SHIRWEYNAHA-CULIMADA-SOOM

The post DEG DEG: Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii culimada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this