Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay Soomaaliya ugu biireyso ciidan caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   
327291572_861419895093717_42873031639396

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah, laguna ansixiyey heshiis caalami ah.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha oo marka hore iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shbaab.

Intaas kadib Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ansixiyay Heshiiska aas aasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika, kaas oo ay qayb ka tahay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ku jira dalalka badan oo Afrika ku yaalla sida Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka, sida uu shaaciyay Goluhu.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe dadaal xoogan gelineysay wax la qaysiga Afrika iyo sidoo kale dalalka caalamka, ayada oo loo marayo dhanka diblumaasiyadda.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa hal tallaab u jirta ku biirista suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay ku mideysan yihiin illaa todobo waddan oo Afrikaan ah.

Shalay waxaa sidoo kale Muqdisho ka furmay Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika, kaas oo ay ka qayb-galayaan toddobada waddan ee ururka EAC.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

327707232_552065296980531_23559491804357 327699108_713542890214531_54180361973455 327561708_1611051932654642_1353129328659 327550635_740636454303705_58079973718311 327291572_861419895093717_42873031639396 327774543_568377748530541_91883743958996

 

The post Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay Soomaaliya ugu biireyso ciidan caalami ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this