Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
xijaar.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Kulankan muhiimka ah ee isbeddalka loogu sameeyay taliska booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa guddoomiyay a’iisul wasaare Xamza, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha Golaha.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Si kastaba, taliyaha cusub ayaa waxaa la sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, waxayna todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada

The post Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this