Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Duqaymo ka dhacay Gobolka Bari oo lagu laayay argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Daaci.jpg?resize=1000%2C510&ssl=1

Duqaymo xooggan oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka argagixisada Daacish ayaa xalay ka bilowday buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Duqaymahan oo tan iyo saaka socday ayaa gebi ahaanba lagu burburiyay saldhigyadii Daacish ee buuraleyda Calmiskaad sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland.

Saraakiisha oo aan rabin in magacyadooda la xigto maadaama aysan ogolaansho u haysan warbaahinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in halkaas lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan ilaa saddex sarkal oo sare.

Hawlgalkaas waxaa si wadajir ah u fuliyay Sirdoonka Puntland iyo ciidamada Maraykanka oo is kaashanaya islamarkaana ka duulaya xogo amni oo laga helay degaannada Calmiskaad ee hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Duqaymo ka dhacay Gobolka Bari oo lagu laayay argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this