Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday BARI iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in xalay duqeymo la beegsadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari ee maamulka Puntland, halkaas oo ay fariisimo waa weyn ay ku leedahay Daacishta Somalia.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday buuraha Calmiskaad oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan ay socotay illaa saaka waabarigii hore, waxaana jira khasaare xoogan oo kasoo gaaray xabnaha kooxda Daacish.

Ugu yaraan saddex horjooge oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu dilay weerarkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Puntland oo diiday in la shaaciyo magacyadooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxdan dhaq-dhaqaaq culus ka waday halkaas oo ay marar badan kula dagaalantay ciidanka Puntland.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka, kuna aadan duqeyntaas xalay, illaa saaka lagu garaacayay qaybo kamid ah gobolka Bari.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo howlgal culus oo ka dhan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

The post Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday BARI iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this