Sign in to follow this  
Juje

Markab siday Dhuxul o dab qabsadey + PICS....ALXAMDULLILAH..!

Recommended Posts

Juje   

Markab dab ka kacay, sidayna dhuxul oo badbaado ahaan ugu soo xirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho

Markab weyn oo nooca xamuulka ah sidayna dhuxul ayaa xalay soo gaaray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaana Markabkaasi oo dhuxul ka soo raray dekedda Ceel Macaan uu qabsaday dab kaddib markii uu ka shiraacday halkaasi, iyadoo markabka markii uu xoogaa gudaha u galay badweynta uu ka kacay dab, kaasi oo ka bilowday mid ka mid ah godadka markabkaasi.

Sida ay sheegayaan shaqaalaha Markabka saaran, dabka ka kacay Markabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay dhuxusha saaran Markabka iyo dabeylo markaasi ka jiray badda, hase yeeshee ajansiga Markabka oo la soo xiriiray maamulka Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa codsaday in maamulku uu ka caawiyo sidii loo badbaadin lahaa markabka iyo hantida saaran.

Eng. Cabdi Jiinow Calasow Maareeyaha Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho ayaa aqbalay sida uu horayba u sheegay mar uu Suxufiyiin kula hadlayay xafiiskiisa inay gacan ka geysanayaan badbaadada Markabkaasi, isagoona ka dhabeeyay ballantiisii ahayd caawimaada Markabka dabka qabsaday.

Maamulka Dekedda ayaa galay heegankii ugu sareeyay oo lagu badbaadinayo Markabka lagu magacaabo M/V Kum San kana diiwaan gashay ururka badaha caalamiga ah IMO, Nambarkiisuna yahay (IMO 7418373), ayaa guddiga gurmadka badbaadinta Markabka oo uu Guddoomiye u yahay Eng. Cabdi Jiinow Calasow waxay ku guuleysteen gelinkii hore ee saakay inay Markabka ku soo xiraan marsada Dekedda si looga damiyo dab ka baxayay laba god oo ka mid ah godadka Markabka.

Guddiga gurmadka badbaadinta Markabka M/V Kum San ayaa iyagu howl degdeg ah oo ay bilaabeen muddo laba maalin kahor ahayd inta aanu markabka soo gaarin Dekedda Muqdisho inay diyaariyaan qalabkii lagu damin lahaa dabka, waxaana howshaasi oo ku socotay si dardar leh ay guddigu kaamileen dhammaanba waxyaabihii loo baahnaa, waxaana gawaarida ugu shaqada badnaa ka mid ah gaariga Dab-demiska Dekedda oo marna aan cagaha dhulka dhigin muddo ka badan 24-saacadood.

Ilaa iyo shan baabuurta booyadaha biyaha ah iyo Matoorada biyaha tuura ayaa la isugu keenay marsada uu ku xiran yahay markabka, iyadoo howsha lagu badbaadinayay markabka hormuud ka ahaa Maareeyaha Dekedda oo sida aad ka aragtaan sawirka gacanta ku heystay gacanka Isgaarsiinta ay isticmaalaan Kaptanada iyo shaqaalaha Maraakiibta.

Ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Dekedda door muuqda ka qaadanayo badbaadinta Maraakiibta ku soo xiranaya Dekedda iyo kuwa kale ee iyagu xaalad sida tan oo kale ah ay ku qabsato xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana haatan si xowli ah u socota howlo markabka gubtay dabka looga daminayo, iyadoo kaddibna la bilaabi doono dejinta dhuxusha saaran markabka, hase yeeshee qormooyinkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wixii ku soo kordha Markabka gubtay ee saakay ku soo xirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

Markab_Dab_qabsaday_1.JPG

 

Markab_Dab_qabsaday_3.JPG

 

Markab_Dab_qabsaday_7.JPG

 

Markab_Dab_qabsaday_8.JPG

 

Markab_Dab_qabsaday_9.JPG

 

Look at this bloody parasites...this Somali idots are cutting our much needed trees and selling it to this cheap nitwits...Illah waxan ka baryay in uu markabka dhan uu ka gubto...amin!

 

Markab_Dab_qabsaday_10.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

They are indeed...and the irony is this trade of dhuxuul remerged after the wadaads came into government.

I wonder what is the link between them and xulufeynta dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maybe it is the only income that is available now in Somalia, how can those dogy Sheikhs support themselves for overseas hotel stays without the Dhuxul net value

Share this post


Link to post
Share on other sites

my first job for couple hours was filling those coal on sack - i was 9 - the woman who owned the coal only paid me half what she paid others - xaasiyad!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Markabkii dhuxusha waday ee ku gubnayay agagaarka Dekeda Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada Markabka sida Dhuxul oo laga leeyahay Dalka Koonfur Kuuriya, kaasoo isagoo gubanaya ku soo xirtay meel u dhow Dekeda Muqdisho, iyadoo lagu guul dareystay in la dami waayo dabkii ka holcayay Markabka, waxaana shaqaalihii markabka la socday lagu amray inay markabka fogeeyaan dekedda si aysan waxyeello u soo gaarin.

 

Mid ka mid ah shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekedda ku sugan ayaa sheegay in rajadii laga qabay badbaadinta markabkaasi ay quus taagan tahay kaddib markii ay dab damisyo yaallay dekedda Muqdisho iyo booyado biyaha qaada ay ku guul darraysteen inay bakhtiijiyaan oo saacadba saacadda ka dambeysa sii kordhayay.

 

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in Markabka laga kaxeeyo Dekeda, si aysan dhibaato kale u si geysan dabka ka holcaya ee lagu guuldareystay in la baqtisiiyo, waxaana niyad jab ka muujiyay shaqaalihii markabka saarnaa.

 

Markabka oo ayaa waxaa saaran 24-shaqaale u dhashay dalka Koofur Kuuriya, waxaana uu Dhuxul uu ka soo qaaday Dekeda Kismaayo iyo Baraawe, iyadoona qeybo ka mid dhuxusha uu waday ay aheyd mid aad u kululeyd, taasoo dabeyl qabsatay ay dhalisay in dab uu ka kaco.

 

Rajada laga qabo bad baadinta Markabkan ayaa aad u yar, waxaana Markabka si aad ah looga fogeeyay Dekeda, iyadoo ku sugan yahay dhanka Badweynta, waxaana la ogeyn sida xaaladiisu noqon doonto, xilli dabka qabsaday uu baab'iyay, labo ka mid ah seddax qeybood oo uu wax ku qaado kuwaasi oo ay saarnaayeen dhuxul aad u fara badan, waxaana markii uu dekadda ku soo xirtay u gurmaday ganacsatadii Markabkaasi u rarneyd.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Waay ku macdahay. Charcoal export has become a big profitable business for some ignorant Somalis and needs to be stopped immediately. The charcoal burners cut down any tree they come across; this has horrific environmental consequences-results in greater environmental degradation, which also leads to rise in climatic natural disasters such as floods, storm and earthquakes. Ignorant people like these do not realize the severity of these consequences. Once the rainforest is gone, it will be gone for good. It is really so unbelievable what can happen to our country if we don’t act now!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this