Sign in to follow this  
Suldaanka

wakhtigii aan dhalinyaro aan ahaa kubada waan ciyaari jiray oo baaskitka... Rayaale

Recommended Posts

koob1.jpg

Koob Shalay la Gudoonsiyay Madaxweynaha

 

Hargaysa (Halganews)Waxa shalay munaasibada ka dhacday Qasriga Madaxtooyada somaliland lagu gudoonsiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Koob, koobkaas oo madaxweynaha ay gudoonsiiyeen ciyaartoo ka ciyaari jiray magalada London ee Ingiriiska, Waxana gudoonsiyay Madaxweynah koobkaa, Xasan Waraabe Cade iyo C/fataax Siciid Axmed.

 

Xafladaas waxana ka soo qayb galay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Maxamuud Siciid iyo mudanayaal kale, madaxweynuhu waxa uu isaga oo ugu mahadnaqaya dhalinyarad koobka gudoonsiyay waxa uu yidhi “Aad baad u mahadsan tihiin koobka aad igu igudoonsiiseen dedaalka aad samayseen ee aad ku guulaysateen in magaca dalkiina aad ugu soo haysaan koob halkaa ka sii wada, waxaan u malaynayaa in yaryarkani ay ka mid yihiin dadkii dhaxanta taagnaa ee berigii aan hogaaminayey ee berigii dhaweyd safarka anau ka soo faa’iidnay waxa ugu weynaa jiil aad u yaryar oo qaarkood halkaas ku dhashay kuwona iyagu oo yar yar ay dalka ka tageen ayaa ogaaday in ay dal dhisan oo jira ay leeyihiin, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad iska ilaalisaan cabitaanka sigaarka iyo wixii xun xun, waayo horumar kama gadhaysaan dhinaca ciyaaraha, caafimaad ahaan idiiinma fiicna haddii aad sigaarka iyo balwada kale barataan†ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

koob2.jpg

Isago madaxweyne Rayaale hadalkiisa sii wada waxa uu yidhi

“wakhtigii aan dhalinyaro aan ahaa kubada waan ciyaari jiray oo baaskitka ayaan aad u ciyaari jiray, nasiib wanaag maanta adduunka ciyaaraha lacag baa lagu helaa aad u farabadan, marka qofku houmarkeeda la yimaado, in ay wasaarada ciyaaruhu fiicnaato aniga sharaf bay ii tahay aad baana u dhiiri gelinayaa ciyaarahaâ€

Waxa kale oo isna ka hadlay Wakiilka xidhiidhka jaalliyada dibeda iyo xukuumada Somaliland C/fataax siciid Axmed, wuxuuna yidhi “Madaxweyne aad baanu kuugu mahadinaynaa sida wanaagsan ee noloogu soo dhaweeyey dalka, dhalinyaradan aad bay uga heleen nabadgelyada iyo horumarka taala dalka aad bayna ugu farxeen hawlaha badan ee xukumadu ay wado, waxaanu idiin rajeynaynaa in aad halkaa ka sii wadaan xoogana aad saartaan dhinaca dhalinyarada wax qabadkiinaâ€

 

 

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xasan Waraabe Cade ooka xog waramay dhilinyarada iyo wakhtiga koobkan ay ku guulaysteen, wuxuuna yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in yar yarkii aad u yar yaraa iyagoo ka tegay dalka ama halkaasba ku dhashay ay koob u soo hooyaan dalkooda, iyagaoo ku ciyaaraya magaca dalkooda, gudoonsiiyaan madaxweynahooda, koobkan waxay qaadeen 28/12/2003 ciyaar ka dhcday waqooyiga London, aad bayna ugu mahadsan yihiin inay ku maamuusaan oo gudoonsiiyaan koobka madaxweynahooda, waxaan isaguna u mahdnaqayaa wasiirka ciyaaraha Maxamuud siciid oo muujiyey wax qabad dhab ah oola taaban karo dhinaca ciyaaraha iyo horumarka†Waxa kale oo isna hadal ka yidhi goobtaa Axmed C/laahi Maxmed (Kanu) oo ah kabtanka kooxda kobka ku guulaystay, wuxuuna yidhi “Aad baanu guu faraxsanahay nabadgelyada taala dalka xukuumada iyo shacbigaba aad baanu ugu boorinaynaa in ay dedaalka halkaa ka sii waaan iyo horumarka dalka

 

koob.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this