Sign in to follow this  
Gabbal

Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Dowlada Federalka oo la wareegay Beled-weyne

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Dowladda Federaalka oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne

 

Isniin, December 25, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay saakay magaaladaas la wareegeen ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Col. Mukhtaar Xuseen Afrax oo Ciidaman hoggaaminaya ayaa HOL u sheegay in ay magaalada ku soo galeen si dhib la’aan ah oo aan dagaal lahayn, wuxuuna intaas ku daray in dadka magaalada ay si weyn u soo dhaweeyeen.

 

 

 

Col. Mukhtaar waxaa uu sheegay in Ciidamada uu hoggaaminayo ee magaalada la wareegay ay yihiin kuwo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo si buuxda gacanta ugu haya magaalada.

 

 

 

Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn halka ay qabteen Ciidamadii Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan oo iyagu maalintii shalayd ahayd dagaal xooggan la galay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwan haatan la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne.

 

 

 

Ciidamadan ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada waxaa ay durba bilaabeen in ay magaalada ka bedeleen astaamihii Maxkamadda Islaamiga ee bilihii la soo dhaafay Magaalada ku sugneyd, waxaana durba dib loo howlgeliyay Ciidamadii Saldhigga Booliska Magaalada, halka Xarunta Gobolkana laga taagay Calanka Soomaaliya oo intii ay Maxkamadaha Islaamka meesha heysteen aan xarunta lagu arki jirin.

 

 

 

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne, walow uusan ka mid ahayn mas’uuliyiintii ka soo muuqatay Xarunta Gobolka.

 

 

 

Wixii War ah ee ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco Hiiraan Online

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Baladwayn: Bartamaha Baladwayn oo ay khudbado ka jeediyeen Yuusuf Dabogeed iyo kuxigeenkiisii Aadan Garaaso.

Isniin, December 25, 2006

 

APL

 

Baladwayn(AllPuntland)-Isu soo bax ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladwayn waxaana isu soo baxaasi ka hadlay maamulkii degmada ay soo magacawday dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Aadan Cabdi Ciise (Garaaso), oo ahaa guddoomiyihii degmada Baladwayn iyo Yuusuf Dabogeed oo ahaa guddoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa maanta dadka khudbado u jeediyay shacabka Baladwayn.

 

Ugu horayn Aadan Garaaso ayaa halkaasi kasoo jeediyay, wuxuu sheegay inay dib u soo laabatay mid nimadii, calankii Soomaaliyana sharaftiisii ay soo laabatay.

 

Aadan Garaso wuxuu sheegay inay dhammaatay cadaadiskii, ciqaabtii, waxa uu ugu yeeray tima ka xiiriddii khasabka ahayd iyo hantidii bulshada ee xoogga lagu hasytay.

 

Khudbadda Aadan Garaaso waxaa kamid ahaa in xornimo ay heleen gabdhihii , wiilashii iyo dadka reer Baladwayne ee dhaqaale xumadu ku dhacday.

 

Wuxuu sheegay in laga guulaystay intii calanka Soomaaliyeed baab'isay ee ahaa ajnabiga kusoo duulay dalka Soomaaliya.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabogeed) ayaa sheegay in 5 bilood iyo 12 bari kadib inay dib xoreeyeen gobolka Hiiraan.

 

" Waxaan idiinka tacsiyaynayaa reer Hiiraan , dhibaatadii, boobkii iyo cadaadiskii xaqdarada ahaa ee la idinku hayay" ayuu yiri Dabogeed.

 

Waxaan ka xumahay ayuu yiri Dabogeed xumaantii taallay Hiiraan ,hase ahaatee iminka dadka Hiiraan ay guul u soo hoyatay.

 

" Xafiisyada hortooda waxa laga sameeyay waad garanaysaan, dhibtii bulshada loo gaystay waad garanaysaan, haddase ilaahay mahaddii waad ka xorowdeen, waxaana guushaasi idiin keenay alle ka sokow ciidanka federaalka Soomaaliya" ayuu yiri Dabogeed.

 

Dabo geed wuxuu sheegay inaan hanti danbe laga gubi doonin, dhibna ay halkaasi ugu danbayso.

 

" Waad ogaydeen markan nimid magaalada in calankii Soomaaliya booskiisii ay saarnayd maro madaw, haddana calankii uu dib u soo laabtay" ayuu yiri Dabogeed.

 

Guddoomiyaha gobolku wuxuu sheegay in maxkamad lasoo saarayo dadkii ka talinayay Hiiraan bilihii ugu danbeeyay, lagalana xaajoon doono dhibtii ay gaysteen.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maanta laga bilaabo hub aan la arki karin, qofkii qori lagu arkana ciqaab uu la kulmi doono.

 

Dadwaynaha Baladwayn ayaa u muuqday kuwo aad ugu faraxsanaa imaatinka maamulkii hore, waxaana halka qudbaddu ka socotay ka yeerayay mashxarad iyo sacab aad u badan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Waryaahe, waad ka sii dareeysaa maalin waliba. HOL (Hiiranonline) ma aaysan qorin warkaas (check the website http://www.hiiraan.com/) ee xageed ka keentay?????

 

 

Mise warkas intuusan gaarin HOL ayaad heshay???? xageed ka soo xigatay? Yaa kuu sheegay?

 

Subxaanalaahi, walee waxaad noqotay ruux afminshaar ah.

 

I wonder why SOL moderators allow this kind of BS:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Caaqil:

Waryaahe, waad ka sii dareeysaa maalin waliba. HOL (Hiiranonline) ma aaysan qorin warkaas (check the website
ee xageed ka keentay?????

 

 

Mise warkas intuusan gaarin HOL ayaad heshay???? xageed ka soo xigatay? Yaa kuu sheegay?

 

Subxaanalaahi, walee waxaad noqotay ruux afminshaar ah.

 

I wonder why SOL moderators allow this kind of BS:

And he copies and pastes this on the same night he was humiliated here

 

Khanziir baa la yidhii waligii ma daahiroobo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Caqil

 

And he copies and pastes this on the same night he was humiliated here

 

Khanziir baa la yidhii waligii ma daahiroobo.

, you should apologise to the brother for the silly outburst.

here is the source....source

 

Col. Mukhtaar Xuseen Afrax oo Ciidaman hoggaaminaya ayaa HOL u sheegay in ay magaalada ku soo galeen si dhib la’aan ah oo aan dagaal lahayn, wuxuuna intaas ku daray in dadka magaalada ay si weyn u soo dhaweeyeen

 

Beledweyne is gone dear Caqil. Jowhar is next.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ Sorry they had to wake you up early, general. That headache from the qaadiro must be killing you. No self-respecting Puntlander would want to be in the same room as you.

 

Keep cheering the invaders. History is littered with the likes of you and they all meet but one outcome.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Caaqil:

Waryaahe, waad ka sii dareeysaa maalin waliba. HOL (Hiiranonline) ma aaysan qorin warkaas (check the website
ee xageed ka keentay?????

 

 

Mise warkas intuusan gaarin HOL ayaad heshay???? xageed ka soo xigatay? Yaa kuu sheegay?

 

Subxaanalaahi, walee waxaad noqotay ruux afminshaar ah.

 

I wonder why SOL moderators allow this kind of BS:

I am merely bringing information. Kindly take your frusterations out elsewhere.

 

Castro-

 

Adeer, kula goo-goosan maayo hadaad doonaysid. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sorry they had to wake you up early, general. That headache from the qaadiro must be killing you. No self-respecting Puntlander would want to be in the same room as you.

 

Keep cheering the invaders. History is littered with the likes of you and they all meet but one outcome.

Oh its the comdeian who wanted to know the size of Puntland, now talks for its people. I do love some here..

 

The truth is the secesionists and their lackeys are friends with the Clan courts for nothing other than that old standard, which is "my enemies enemy is my friends"..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mas,uuliyiinta dawladda DFKS oo lagu soo dhaweyey Balad-Weyne saaka....

 

Duddoomiyiha degmada Balad-Weyne Md:Aaden Abdi Issa "Aaden Garaasse" iyo xubno ay ka mid yihiin Maxamed Dheere ayaa saaka lagu soo dhaweeyey Balad-Weyne

 

Xaflad aad loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey mas'uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Balad-Weyne iyo guddoomiyaha Sh. Hoose Maxamed Dheere, ayaa saaka lagu qabtay magaalada Balad-Weyne,waxaana ka soo qayb galay dadweyne badan oo wajigooda farxadi ka muuqato iyo rafadkii dagaalada labada maalmood ee la soo dhaafay.

 

Waxaa kaloo waraka naga soo gaaraya deegaankaas noo xaqiijiyeen in dagaalyann badan ee Maxkamadaha Muqdisho inay xalay ka baxeen aagga Balad-Weyne una gurteen difaacooda degaanada Buulo-Barde iyo Jowhar,halkaasoo ciidamo gurmad ahi ka soo qul-qulayaan Muqdisho.

 

Dhanka kale waxaa weriye ku sugan aagaas u xaqiijiyey Olol.News in Maxamed Dheere iyo Yuusuf Dabageed u gudbiyeen xooggagoodii dhanka buuraleyda Buul-Barde,ayadoo dadweynihii degaankaas lagu amray inay u qaxaan degaamada Ceel-Buur

 

Odawaa Ali

Olol.News

Balad-Weyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Wax nacalad ay ku dhacday oo diintooda ka baxay adinka uguma iidnaan horeyn, laakiin Itoobiya ogow iney jabka ku danbeyn doonto, inta aan ilaahey diintiisa sidano, insha-Allah.

 

Guul Islaamka!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by General Duke:

The truth is the secesionists and their lackeys are friends with the Clan courts for nothing other than that old standard, which is "my enemies enemy is my friends".. [/QB]

Was this Christmas eve or hogs-night-out?

 

Today there are no secessionists, no southerners or northerners. None of those labels exist today. There's us and them. And you, fortunately, are with them. Praise the Lord for small favors.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Empty words and curses only highlight the weakness of those who pretendt to be more Somali, more Muslim. What next you are more human.

 

Castro, your words are as empty as your position.

 

The excitement with which these people where going about things has now changed.

 

be careful what you wish for

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this