Sign in to follow this  
wind.talker

Disunity and confusion in the Capital

Recommended Posts

Let's be honest: Muqdisho has been disunited since the fall of the Somali nat'l government in 1991. A planned military attack against Jowhar is becoming more and more of cheap talk from the Muqdisho wing (and allied groups) of the TFG. A supposed alliance between Islamic courts, armed TFG ministers and the Muqdisho business elite has yet to bear fruit. Other than unilaterally opposing the TFG, what other alternative has the Muqdisho wing provided for the Somali people? A continuation of the status quo? :confused:

 

Mas'uuliyiinta Isbaheysi Ciidan oo Muqdisho laga abaabulayay kuna wajahnaa Jowhar oo kala shaki iyo khilaaf soo kala dhexgalay iyo Ciidamadii ay ka hortegayeen oo loo wareejinayo Masaafo ka dhow halkii horay loo dejiyay

 

Axad, September 11, 2005(HOL): Sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah ayaa waxaa uu muran soo kala dhexgalay Isbaheysi ciidan oo maalmihii tegay laga abaabulayay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku wajahnaa magaalada Jowhar si ay uga hortagaan ciidamo ay halkaasi keeneen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Wararku waxay sheegayaan in mas'uuliyiinta qeybaha Maxkamadaha Islaamiga, Wasiiro ka tirsan Dowaldda Federaalka iyo Ganacsato kale oo wada abaabul ay isaga kaashanayaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaalad kasta ee ka timaada ciidamada soo gaaray magaalada Jowhar, kuwaasi oo ay rumeysan yihiin in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu talagalay in uu ku soo weeraro magaalada Muqdisho, iyadoo la soo werinayo in mas'uuliyiinta Isbaheysigan uu soo kala dhexgalay kala shaki ka dhashay qaabka ay uga hortegayaan ciidamada yimid magaalada Jowhar, gaar ahaan meel wax yar u jirta saldhig uu Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi ku leeyahay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Kala shakigan ayay wararku sheegayaan in uu ka dhashay halka looga duulayo ciidamada ku sugan deegaanka Kongo ee duleedka Degmada Jowhar, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Muuse Suudi uu ku gacan seyray in duullaanka looga hortegayo ciidamadaas laga qaado deegaanada uu ka maamulo degmada Balcad, halka ay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan Isbaheysigan oo la dejiyay duleedka garoonka Balli Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasoo la soo tebiyay in ay qudhooda diideen in ay gadaal kaga soo duulaan magaalada Jowhar.

 

Isbaheysigan ciidan ayay xaaladda haatan soo wajahday ka dhigeysaa mid baajineysa suurtagalnimada in ay duulaan deg deg ah ku qaadaan magaalada Jowhar oo xarun KMG ah u ah Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka, walow la sheegayo in laga war sugayay Wasiirka Amniga oo shalay soo gaaray Muqdisho bal waxa uu ka bedeli karo xaaladda ka dhex jirta Isbaheysiga cusub ee dhanka ka ah madaxda Dowladda Federaalka ee jooga magaalada Jowhar iyo ciidamada ay halkaasi geeyeen.

 

Dhanka kalena warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamadii la keenay deegaanka Puntland ee haatan ku sugan duleedka magaalada Jowhar loo soo wareejinayo xero ciidan oo ku taala degmada Warshiikh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Wararku waxay sheegayaan in dhowaantan ciidamadaas loo rari doono Xerada Qoriloow oo 70km u jirta magaalada Muqdisho iyaga iyo maleeshiyooyin laga soo uruuriyay gobolka Hiiraan, inkastoo wararkaasi ay yihiin kuwo aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin.

 

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in guud ahaan ciidamadaas ay qaadan doonaan tababar muddo hal bil soconaya, kadibna ay ka mid noqon doonaan ciidamada ka qeybqaadanaya sugidda amniga ee la shaqeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Xigasho: Wargeyska SANCA PRESS

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this