Deeq A. Posted January 2, 2023 Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeyo hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed. War ka soo baxay xafiiska guddomiyaha ayaa lagu sheegay in guddigaan oo ka kooban todoba xubnood ay ka shaqeynayaan fududeeynta hawlaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed. Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay si degdeg ah u soo gabagabeyan hawsha loo igmaday. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites