Sign in to follow this  
Suldaanka

Election Campaigns in Somaliland get underway

Recommended Posts

Almost 2 months to go for the big day and political parties in Somaliland are already in elections mood.

 

The level playing field is set by the two main parties in Somaliland UDUB and KULMIYE and each has dispatched their big guns to their respective strongholds.

 

-----

Wafti wasiiro ah oo booqday magaalada Borame

 

Raxan wasiiro ah oo kasoo jeeda gobolka Awdal kana dirsan golaha wasiirada Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka macdanta iyo biyaha mudane QAASIM SH YUUSUF IBRAHIM ayna kamid yihiin wasiirka xidhiidha golayaasha mudane CABDI CASAN BUUNI, wasiirka qorshaynta qaranka mudane AHMED XAAJI DAHIR CILMI iyo w/xigeenka wasaarada hawlaha guud ayaa booqasho kujooga xarunta gobolka Awdal ee Borame.

 

Wasiirada oo shaaca kaqaaday in ay mideynayaan dadka gobolka ayna u kuurgalayaan xaalada nololeed ee gobolka ayaa ilaa hada layeeshay kulamo kala duwan madax dhaqameedyada ugu saraysa ee gobolka awdal, una sheegay in nabad galyada la ilaaliyo oo buuga iyo sawaxanka doorashada aan waxba loogu dhimin xasiloonida gobolka.

 

Wasiirada oo lashego in ay gacantooda kujirto gabi ahaanba taageerada gobolku ayaa lasheegaa in ay mucaaridka dhabar jab kutahay sidii ay codad uga heli lahaayeen. wasiiradan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyayba aan cagta kaqaadin gobolka oo ay kafuliyeen barnaajmiyo horumarineed gaar ahaana degmada DILA oo ay dhawaan kafureen riig biyo soo saar oo cusub, hadana ay gobolka kawadaan mashaariic kale.

 

Taageerada mucaaridka ee gobolka awdal ayaa aad hoos ugu dhacday intii kadambaysay doorashadii madaxtooyada, waxaana dhawaan dhacday in xafiiskii gobolka ee kulmiye uu lawareegay xisbiga UDUB kadib markii taageerayaashoodii iyo mulkiilihii guriguba kubiiray xisbiga talada haya ee UDUB. gobolkan awdal ayaan gabi ahaanba lagu tilmaanaa mid aan u jajabnayn xisbiyada mucaaridka ah balse ladhacsan xisbiga talada haye ee UDUB.

 

Dadka u kuur gala siyaasada gobolka awdal ayaa sheegay in ay dadweynaha reer awdal xisbi walba kujiraan laakiin ay 95% yihiin muxaafidiin, waayo ayay leeyihiin waxa mideeyay reer awdal hadalo siyaasada kabaxsan oo kasoo baxa afka xisbiyada mucaaridka ah oo ay wax kaga sheegaan shakhsiyada madaxweynaha somaliland mudane dahir Rayale Kahin sida Dahir Riyale waa kuceeb in uu kasoo baxo reer awdal iyo hadalo kusaabsan marwada koowad ee madaxweynahaba . hadaladaas oo hoos usii dhiga taageerada mucaridka ee gobolka awdal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi Kulmiye oo tagay Ceerigaabo

 

Waxa maalintii Salaasadii toddobaadkan gaadhay maagala madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo wefti ka socda xisbiga Kulmiye. Sida uu sheegay Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah xubnaha Kulmiye ee booqday Ceerigaabo ujeedada socdaalka weftaga ayaa la xidhiidha arrimo ay ka mid yihiin,wada tashi ay weftigu la yeelanayaan masuuliyiinta xisbiga ee gobolka, sida iyo qaabka lagu xuli doono musharaxiinta xisbiga Kulmiye, xog waran xaalada guud ee dalku ku sugan yahay iyo wixii kale ee markaa weftiga ula muuqda in ay ku jirto maslaxada xisbigu.

 

 

Weftigan oo ka tegay magaalada Burco ayaa intii ay jidka sii socdeen waxay kulamo ku soo yeesheen degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-af weyn, iyaga oo halkaa kulamo kala duwan kula yeeshay bulshada ku dhaqan degaamadaas.

 

 

Isla shalay waxa weftigu boqashooyin salaan ah ugu tageen masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Cali Cabdi Hurre iyo Maayarka degmada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur.

 

 

Dhinaca kale war saxaafadeed laga soo saaray xarunta xisbiga Kulmiye ee Ceerigaabo ayaa lagu sheegay ka dib markii ay shir isugu yimaadeen maamulka heer gobol ee xisbiga Kulmiye waxa lagu ansixiyey in ay hawshoodii maamul ee xisbiga ay ka hayneen ay sii wataan xubnaha kala ah:

 

 

Cali Faarax Jaamac Guddoomiye

 

 

Saalax Axmed Isixaaq Ku- xigeenka 1aad

 

 

Jaamac Barre Xassan Ku- xigeenka 2aad

 

 

Ibraahim Saleebaan Maxamed Xoghaye

 

 

Axmed Cawed Faarax Madaxa wacyi gelinta

 

 

Cabdi boqor axmed Madaxa dhaqaalaha

 

 

Iimaan Warsame Ciroobe Madaxa siyaasada

 

 

Cumar Siciid Sucaalle Madaxa laamaha

 

 

Aamina Cali Yare Madaxa garabka haweenka

 

 

Naaleeye Axmed Sheekh Madaxa garabka dhallinyarada.

 

 

Waxa kale oo war saxafadeedkaas lagu sheegay in maamulka lagu soo kordhiyey 7 xubnood oo gudida fulinta ah, kuwaas oo maamulka ka caawin doona hawshooda maadaama xisbigu isu diyaarinayo ololaha doorashada golaha wakiilada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirada Awdal oo ugu baaqay reer Boorama in ay codkooda Siiyaan Xisbiga UDUB

 

Hargeysa (Jam)- Wasiirada Qorshaynta Qaranka, Macdanta iyo Biyaha, Xidhiidhka Golayaasha, iyo Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland ayaa shalay shir ay taageero ugu doonayaan Xisbiga Xukuumadda ee UDUB ku yeeshay Huteelka ay RAYS ee Magaalada Boorama.

 

 

Wasiiradaas oo dhammaantood ka soo jeeda degaanka Gobolka Awdal, waxa ay kulankoodan kaga sanqadhiyeen in dadweynaha ku nool Gobolka Awdal ay ka codsanayaan in ay taageeradoda siiyaan, isla markaana ay doorashada Golaha Wakiilada ee fooda inagu soo haysa ay garab iyo gaashaanba u noqdaan Xisbiga UDUB.

 

 

Sida uu noo soo tebiyay weriyaha Jamhuuriya ee Boorama, Cabdiraxmaan Maxamed Habane Waxa Xubnaha wasiirada ah ee ku howlanaa sidii ay taageero ugu heli lahaayeen Xisbiga UDUB at su is-daba joog ah iskaga daba qaateen sida ay bulshada cod ugaga raadin lahaayeen xisbiga UDUB ee xukuumiga iyaga oo bulshada ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga udub[bulshada reer awdal

 

 

Waxaanu idinka codsanaynaa inad codkiina sii saan oo inoo balan ah xisbiga Udub]ayaa ka mid ahaa erayadooda.

 

 

Marka laga yimaado xubnahan wasiirada iyo shirkoodan Rays waxa ay

 

 

magaalada Boorama u muuqatay maalmihii u dambeeyay mid dhaqdhaqaaqeedu xoogan yahay, kadib markii ay isku soobeegmeen xubnahan wasiirada ologooda iyo madaxwayne ku xigeenkii hore hna musharixii madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye md Cabdiraxraxmaan Aw Cali Faarax oo isna dhawrkii todobaad ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Boorama,iyo xubno komishanka qaranka ah oo iyana magaalada ku sugnaa oo ay waliba weheliyaan ololaha musharaxdoon ee ay xubno badani beelohooda dhexdooda isku hirdiyayaan,dhinacyadaas oomaalmihii u dambeeyay isbarbaryaacoodu keenay in magaaladu u muuqato meel mar horeba

 

 

ay ka bilaabmeen ololihii doorashada wakilada ee xiligoodii la gaadhin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Yusuf Tallaabo oo loo magacaabay wasiir ku xigeen

 

War rasmi ah oo uu na soo gaadhsiiyay mid ka mid ah warayayaasha Qarannews24, uga soo warama magaalada casimada ah ee Somaliland ayaa xaqiijiyay in Yusuf Talabo uu mar labaad ku soo laabtay golaha xukumada ee Somaliland iyada oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada ee Somaliland warka hada na soo gaadhayna waa uu u dhignaa sidani

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Riyaale Kahin ayaa Maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ugu magacaabayo Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaalada & Garsoorka Mujaahid Yuusuf Ciise Talaabo oo u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta & biyaha .

 

Magacaabista Wasiir Ku Xigeenka ayaa ka danbeysay ka dib markii Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Cadaalada uu iska casilay Jagadaas Madaxweyne Riyaale ka aqbalay.

 

Mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino mudane Talaabo jagadaasi loo magacaabay way noo suurto gali wayday

 

Mudane Talaabo ayaa ahaan jiray wasiir ku xigeen isla xukumadani Rayaale isga oo mudo dheer soo ahaa wasiir ku xigeenka wasarada waxbarashada,

 

Talaabo waa masuulkii u horeeyay ee ku dhawaaqay xisbiga UDUB, isaga oo kaga dhawaaqay xisbiga UDUB, gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo, isaga oo aha xubnihii ugu fir fircoona ee xisbiga Udub, waanana nin si wayn ugu soo ololeeyay xisbiga UDUB, isla markaasna ay isku dhaw dhawaayeen madaxwaynihii hore ee Somaliland Ilahay ha u naxariistee marxuum Cigaal

 

Hadaba mudane Tallaabo waxa hortaala ama looga fadhiyaa in uu wax wayn uu ka qabto cabashooyin badan oo uu hore xukumada ugu soo jeediyay uu isla markaasina uu saxaa, qaladaadadii uu sheegaayay xiligii laga qaaday ama laga caydhiyay wasiir ku xigeenkii wasaarada waxbarashada.

 

 

Wixii war ah ka soo kordha kala soco Qarannews24

Share this post


Link to post
Share on other sites

Musharaxiinta Baarlamanka Oo weraro Badan isku Haya iyo Kaartooyin Siyaasadeed oo ku Cusub Siyaasadda Somaliland oo Soo If-baxaya.

 

Iyadoo uu Si Xawiliya u socdo 'Ololaha Musharaxiinta Baarlamanku' oo Ka

bilaabay Jilibada hoose ee Beelaha Somaliland ayaa waxa soo baxaya

muran fooda la iskula jiro kaas oo dhaliyay jahwareer siyaasadeed.

 

Waxad mooddaa inuu lumay mabda'a siyaasiga ah iyo magaca xisbiga. Waxana soo baxaya mabda qabiil oo ah, 'jilibkeena yaa ka sharaxan'. Waxa muuqata boqolaal

musharaxiin ah oo sameynaya buuq iyo qaylo dadka lagu Il-duufayo wax

kasta oo loo adeegsan Karo.

 

Xisbiyadda siyaasiga ah ayaa ololahooga uu ka soconayaa hoosta

jilibada waxana La iska daba rarary jilib-kasta xubno loogu yeedhay

"La degayaasha hebel", ama "Yaanu soo bixine hebel maal-galiya si uu

ula dego hebelkaa".

 

Si kastaba ha ahaatee waxa mugdi gashay nidaamka ololaha uu u bilaaban

karayo musharax-kastaa. Lacag fara badan ayey faraqayaan

musharaxiintu waxana la kala jiidanayaa Salaadiinta, Cuqaasha ,iyo

Waxgarad-ka.

 

17-ka Bisha Ayey Ku egtahay xilliga ugu danbeysa ee la gudbinayo

CV-ga ama taariikhda musharaxiinta. Boqolaal musharax ayaa caafimaadkooda baadhitaan (Medical Check Up) ku sameynaya oo cusbitaalada tegaya si ay u dhameystiraan shuruudaha looga baahan yahay qofka tartanka ka qayb-gelaya.

 

Waxa la sugaaba waa furitaanka 'Ololaha Doorashadda Baarlamanka'.

 

Abdiaziz A Musa,

HadhwanaagnewsHargaysa

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this