Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Shirka Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee W. A.

Recommended Posts

Shirkii iyo waxyaabihii kasoo baxay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika laguna qabtay Columbus, Oohaayo [Ohio], bisha markee ahayd Maarso 10-11 ee sanadkaan.

 

Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda

 

Shirkii Jaaliyada Dibada ee Waqooyiga Ameerika

 

Waxaa maanta (Maarso 10, 2007) ka bilowday Gobol Ohio ee Dalka Maraykanka Shir xambaar sanaa cinwaan kaas kore loogana hadlayey arimaha hada ka taagan Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa. Waxaa kasoo qayb galay shirkaan dad si khaasa loogu casumay oo ka koobnaa Culimo owdiin, Aqoon yaho iyo siyaasiyiin. Tirada dadka ayaa ahaa in ku dhow 150 qofood oo ka kala socday Waqooyiga America.

 

Shirka ayaa lagu furay inaan cidgooni ah soo qaban qaabin magac ururna aan lagu qaban ee uu yahay dadaal iyo is xilqaan ay wadaan Jaaliyada ku nool Waqooyiga Ameerika, ayna sababtay ka damqasho ay ka xanuun sanayaan xalaada ay ku sugan tahay Soomaaliya xiligan xaadirka ah.

 

Shirka ayaa ahaa mid aad loosoo agaasimay laguna qabtay goob loogu tala galay shirarka. Furitaankii iyo soo dhawayntii shirka ka dib, waxaa miiska lasoo saaray ajandihii shirka loo qabtay, kaasoo ka koobnaa 4 qodob.

 

  • Itoobiya waa inay Soomaaliya uga baxdaa si dagdag ah
    .
  • Waa in lagu badalaa Ciidamadda Itoobiya kuwo dhexdhexaad ah, oo ka kala yimid Africa iyo wadamadda Islaamka.
In la qorsheeyo diyaarinta shir dibu heshiisiineed wax ku ool ah, oo u dhexeeya dhamaan qaybaha Soomaaliya.
In lamideeyo lana qorsheeyo codka Soomaalida Qurbaha si dhinaca wanaagsan wax loogu badelo Soomaaliya.
Shirkaan waa ka duwanaa shirarka Soomaalida ee inta badan ka dhaca meelo kala duwan, maxaa yeelay ma jirin dad iyaga kaliya la dhagaysanayey ee waxaa la isu qaybiyey kooxo kooxo aan ku salaysnayn is aqoon iyo in isku magaalo laga wadda yimid sida; Columbus ama Toronto oo kale. Waxaa dhacaysay dhowr iyo tobon qof oo aan cidna iska aqoon ama mid ama laba uun is garanayaan.

 

Isbarasho kadib waxaa laguda galay in mid mid loo qaadaa dhigayo qodobada kore. Tusaale ahaan sidee Itoobiyaanka loo saarayaa? yaa keenay markoodii hore? maxay tahay dhibaatada ay keeni karaan ee loosaarayo iyo kuwo kaloo badan. sidoo kale Ciidamada nabad ilaalinta iyo doorkooda, kuwa ay noqonayaan, haday dhibaato keenaan maxaa laga yeelayaa. Shirka dibu heshiisiintu muxuu yahay? yaa la heshiisiinayaa? ma isku midbaa midka April laqabanayo? ugu danbaytii waxaa laga hadlay Jaaliyadaha dibada sida loo midayno iyo danta ku jirta midayn tooda iyo kaalintay ka ciyaari karaan xaalada calowsan ee ka taagan Soomaaliya.

 

Dood Cilmiyeed iyo falan qayn dheer kadib, waxaa lasoo gaaray gabagabadii shirka iyo in koox kasta laga dhagayso nuxurkii doodii oo kooban. kadibna waxaa lagu kala hoyday arimahaas oo dhan uruurintooda iyo isu gayntooda in loo saaray gudi soo kooba waxaana loo dib dhigay qaybta bari (Axad Maarso 11, 2007) ee shirka hadii alle idmo. Kalasoco SomaliTalk shirkaas iyo meesha uu biyo dhigo.

 

Sawiradda aqoonyahanadii kasoo qeybgalay.

 

Dr_Galayr.jpg

 

Cali Khaliif Galeyr

 

DSC01380.jpg

 

Dr_xuseen.jpg

 

Dhaqtar Xuseen

 

khadijo_cosoble_xiriirin.jpg

 

DSC01387.jpg

 

DSC01397.jpg

 

DSC01411.jpg

 

DSC01434.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this