Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka, waxaana shirka guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey labana hindise sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman iyo Hindise Maaliyadeed ee Khayraadka dhulka hoostiisa oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman ayaa muhiim u ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab, waxaa si gaar ah loogu dhaqayaa ama lagu qaadayaa dadka lagu tuhmayo inay maal-geliyan argagaxisada.

Sidoo kale Hindise Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa waxaa maamuli doonaa nidaamka maaliyadeed ee qodista kheyraadka dhulka Hoostiisa, taas oo soo saaristiisa lagu qeexay sharciga batroolka, oo tirsigiisu yahay; Sharci Number 19aad iyo xeerka qodista Macdanta ee tirsigiisu yahay Number 7 oo soo baxay 9-kii January 1984-kii.

Wasaaradda Maaliyadda labada xeer horkeentay Golaha ayaa ka mahacelisay meel-marinta hindise sharciyeedyadan oo sidoo kale lasii marsiin doono Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in labadan sharci ay muhiim u yihiin dhaqaalaha dalka, hannaanka maamulka maaliyadda iyo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab ayaa horey shaacisay inay beegsan doonto ilaha dhaqaale ee kooxda, si loo cuuryaamiyo.

The post Daawo: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this