Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilka loo magacaabay Ciise Guure oo si weyn looga soo dhoweeyey Xamar + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka maaliyadda Ciise Guure ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho 

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin heer federal iyo heer dowlad goboleed, xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, culimo, aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay hoolka ayaa sheegay in Ciise Guure uu yahay siyaasi lagu yaqaan aaminaad iyo waxqabad, islamarkaana uu mudnaa xilka, ayaga oo intaas ku daray inuu si guul leh uga soo bixi karo. 

Guddoomiye Ciise Guure, oo isna ka hadlay goobta ayaa wuxuu ballanqaadey inuu kasoo dhalaali doono howsha culus ee loo igmaday, islamarkaana uu filashada ummadda sugeysa uu si wanaagsan uga soo bixi doono.
IMG_9034-scaled.jpeg IMG_9021-scaled.jpeg IMG_8938-scaled.jpeg IMG_8947-scaled.jpeg 827A3617-scaled.jpeg 827A3611-scaled.jpeg 827A3637-scaled.jpeg 827A3639-1-scaled.jpeg IMG_8854-scaled.jpeg IMG_8876-scaled.jpeg IMG_8896-scaled.jpeg IMG_8959-scaled.jpeg IMG_8951-scaled.jpeg IMG_8945-scaled.jpeg IMG_8911-scaled.jpeg IMG_8917-scaled.jpeg

The post Xilka loo magacaabay Ciise Guure oo si weyn looga soo dhoweeyey Xamar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this