Sign in to follow this  
Gabbal

Sections of the south embark on a new future.

Recommended Posts

Gabbal   

Baarlamanka Dowladda Goboleedka Jubbaland Oo Ka Koobnaan Doona 64 Mudane

 

Nuqul qaab dhismeedka dowlad goboleedka Jubbaland oo GEDONET soo gaaray ayaa tibaaxaya in golaha baarlamanka ee dowlad goboleedka Jubbaland uu ka koobnaan doono 64 mudane oo ka kala imaanaya seddexda gobalka ee kala ah gobalka GEDO, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Aqoonyahnno ku sugan waqooyiga Ameerika, Kenya iyo magalaada Kismaayo oo ka tirsan guddiga farsamada ayaa ayaguna in muddo ah ku howlanaa diyaarinta dowladda goboleedka Jubbaland oo dhowaan la filayo in lagaga dhowaaqo magaalada Kismaayo sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan guddigaasi.

 

Aqoonyahanadaasi mid ka ah oo u waramayey Gedonet ayaa carabka ku dhuftay inay intii muddo ah ay ka shaqeeynayeen ayna wado tashi badan ay la sameeyeen ayna weli ku guda jiraan shuruurcdii iyo qaabka lagu hagi lahaa dowladda goboleedka Jubbaland dhowaan ay shirar hoosaadyo lagu kala qaban doono magaalooyinka iyo degaamada hoosyimaada dowladda goboleedka Jubbaland.

 

Mid ka mid aqoonyahanada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay y in wadotashiyada iyo shirar hoosaadka marka la soo gabagabeeyo lagu dhowaaqi doono maamulka dowlad goboleedka Jubbaland maadama ay diyaar yihiin qaab dhismeedkii kore ee dowlad goboleedka Jubbaland, balse ka gaabsaday goorta lagu dhowaaqi doono. Masuulkan ayaa waxaa kale uu ka gaabsaday qaabka loo qeybin doono ama loo xuli doono 64 mudane oo ka koobnaan doono maamulka dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ee dowladda federaalka soomaliya ahna gudoomiyaha isbaheysiga dooxada Jubba ayaa asaguna dhowaan shaaca ka qaaday in asaga iyo madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed ay isla garteen in maamul laga sameeyo goballada jubbooyinka. Masuuliyiinta ugu sareeysa isbaheysiga dooxadda jubba ayaa ayaguna u fadhiya xaruntooda Baranwaa ee magaalada Kismaayo shirar isdaba joog ah oo ay la yeelanayaan hogaamiyo dhaqameedyada iyo waxgaradka degaamada hoosyimaada maamulkooda, iyada oo la rajeynayo in wafuud badan ay ka kala yimaadaan magaalooyinka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay isugu yimaadaan magaalada Kismaayo.

 

Gedonet News Desk

Gedo, Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Yeelan Doonta Madaxweyne Iyo Labo Madaxweyne Ku Xigeen

 

Nuqul hor u dhac ah oo tibaaxaya qaabka dhismeedka dowlad goboleedka Jubbaland oo soo gaaray Gedonet ayaa sheegaya in dowlad gobolleedka Jubbaland oo ay ku bahoobeen gobollada GEDO, jubbada iyo jubbada hoose uu yeelan doono madaxweyne iyo labo madaxweyne ku xigayaal. Nuqulka soo gaaray Gedonet oo ay weli gacanta ku hayaan guddiga farsamada ee diyaarinta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qeexaya qaabka ay ergooyinku ku dooran doonaan iyo weliba shuruudaha looga baahan yahay inay ka soo baxaan madaxweynaha iyo labadiisa madaxweyne ku xigeen.

 

Xeer hoosaadyadan oo aanu halkan ku soo wado koobi karin ayaa qeexaya masuulka kasta waxa looga baahan yahay inuu fuliyo ka hor inta aan loo dooran xilka uu isku soo sharaxay iyo weliba masuulka xilkiisa inta uu ku kooban yahay iyo sidii bedel loogu sameyn karo markii loo baahdo. Qaab dhismeedka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa kale uu qeexayaa qaabka ay u wadoshaqeyn doonaan maamulada gobollada GEDO, jubbada dhexe iyo jubbada hoose iyo maamulada degmooyinka iyo weliba golalayaal ay yeelan doonaan seddexdaasi gobal oo hoos imaan doona golaha baarlamanka ee dowlad goboleedka jubbaland.

 

Golaha baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka koobnaan doonaa 64 mudanyaal oo ka kala imaan doona degaanada jubbooyinka iyo gobalka GEDO, yeelan doona gudoomiye baarlamaan iyo labo ku xigeenno. Mid ka mid ah guddiga farsamada diyaarinta dowlad goboleedka Jubbaland oo u warameyey Gedonet ayaa sheegay in weli ku gudajiraan ama iminka meel gebagabo ah u marayso diyaarintii dastuurkii iyo xeeer hoosyaadyadii lagu hagi dowlad goboleedka Jubbaland oo la filayo in dhowaan looga dhowaaqo magaalada Kismaayo.

 

Masuulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in weli socdaan wadatashiyadii iyo wadahadallo hoosaadkii u dhaxeeyey beelaha dega degaanada jubbooyinka iyo gobalka GEDO iyo qaabka ay degmooyinku marka hore wadotashiyadooda ku dhameystirtaan, kadibna soo dirsadaan ergooyinka matali lahaa shirka guud ee udubka loo dhigi doono dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Gedonet News Desk

Gedo, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

I could call the somalis trend poopers, They certaintly follow the trend pooping in politics,

 

Every clan has a X-LAND, So should we?

But agree with soo maal, It's better then chaos, By the way, Isnt it not embarrasing for all the somalis copying the "land" word in the so called x-lands that exists today? The word "land" doesnt even exist in the somali language, It's like the chinese renaming bejjing area as Bejing-land...

 

Ignorance is truly evil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The name Jubbaland was referred to the area that consists of Gedo, Jubbada Hoose, iyo Jubbada dhexe during the time of the colonizers; its not part of the "land" trend thats happening.

 

giuba.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this