Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyey ‘arrimo xasaasi ah oo ka socda’ Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in hay’addo shisheeye ay Somaliland ku faafiyaan diinta Masiixiga, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Sunne ayaa sheegay in arrintaan ay kamid aheyd waxyaabihii xukuumada Somaliland iskaga horyimaadeen, gaar ahaan la-dagaalanka laba hay’addood oo reer galbeed ah oo deganaa Hargeysa iyo agagaarkeeda.

“Laba sannadood ayaanu dacwad ku jirnay, waxaanu soo bandhignay dhukumantiyadii iyo baybaladii ay faafinayeen iyo dadkii ay la kulmeen oo markhaati ah, anagu waanu u dhib mudanay. Markii maxkamada la i keenay waxa la yidhi wadaadkan waxa laga kari laayahay hay’addaha waddanka u jooga safamalka,” ayuu yidhi Aadan Sunne.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hay’addaha faafiya diimaha shisheeye ay gacanta ku dhigeen nidaamka tacliinta Somaliland, oo ay qorshaynayaan in degmo kasta iyo gobol kasta oo kamid ah maamulkaasi ay ku lug yeeshaan, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Sunne oo ka qayb-galay shir ay lahaayeen culimada ugu waawayn kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay “in laga tashanayay gaalo uu sheegay inay Soomaaliya Masiixiyad ku faafinayaan iyo Soomaali soo dhawaysay oo iyaguna la xukun ah” sida uu sheegay.

Wadaadkan oo hore uga mid ahaa culimada Somaliland, dhowr jeerna lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa ayaa bishii March ee sanadkaan si dhuumasho ah uga soo baxsaday Somaliland, isaga oo markaasi ku biiray kooxda Al-Shabaab ee iyadu laftigeedu huwan fikir diimeed guracan.

The post Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyey ‘arrimo xasaasi ah oo ka socda’ Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this